Boorama: Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Kormeeray Cusbitaalka Xayaad

Boorama (Dawan): Wasiirka wasaarada Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal, ayaa kormeer indho indhayn ah ku soo maray cusbitaalka Xayaad ee magaaladda Boorama.

Cusbitaalka Xayaad, oo ay dhistay hay’adda maxaliga ah ee Camuud Foundation, isla markaana ay qalabaysay waxaa wasiirka iyo weftigiisa halkaa ku soo dhaweeyay masuuliyiinta sare ee haayadda Camuud Foundation, kuwaasoo uga warbixiyay hawlaha shaqo ee ay qabtaan.

Sidoo wasiirka caafimaadka iyo xubnaha la socday waxay soo kormeereen xarunta guud ee haayadda Camuud Foundation, ee magaaladda Boorama, iyagoona soo indho indheeyay qaybaha kala duwan ee xafiisyadda haayadaasi.

Haayadda Camuud Foundation ayaa wasaaradda caafimaadka Somaliland ka taageerta arriaha horumarinta caafimaadka, waxaanay wadanka ka hirgelisay xarumo badan oo caafimaad, kuwaasoo marka ay dhamaystirto ay ku wareejiso wasaaradda caafimaadka.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in haayadda Camuud Foundation, ay ka shaqayso dhinacyo badan oo horumaka bulshadda ah gaar ahaana arrimaha caafimaadka.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in Camuud Foundation ay hirgelisay dhismeyaasha, iyo qalabaynta xarumo badan oo caafimaad oo dalka ah.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi“Haayadda Camuud Foundation, oo ah runtii haayad ku suntan horumar hagar la’aan ah, oo dalkoo dhan ka hawl gasha, baahiyo fara badan na daboosha, si dhaw na ula shaqaysa wasaaradda horumarinta caafimaadka. Waxaan aad u soo dhawaynayaa xidhiidhka wanaagsan ee ay Camuud Foundation la leedahay dhamaanba wasaarradaha iyo haayadaha dawladda gaar ahaana wasaaradda caafimaadka, iyo sida ay ugu hagar baxday in wax kastoo ay hayso ay ka qayb qaadato”.

“Cusbitaalka guud ee magaaladda Boorama, wax muuqda ayay ka gaysatay Camuud Foundation, waxaana socda dhismihii ugu weynaa oo qayb ka ah cusbitaalka Boorama. Waxa kaloo ay bixisay qalab fara badan oo lagu qalabeeyay Waadhadhka qaarkood, ayna diyaar u tahay in Waadhadhkaa wixii danbe ee qalab ah ee loo baahdo ay buuxiso” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.

Axmed Cabdi Ismaaciil, oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee haayadda camuud Foundation, ayaa wasiirka iyo weftigiisa uga warbixiyay hawlaha shaqo ee dhinaca caafimaadka ee ay haayadoodu ka qabato dalka.

Waxaanu tilmaamay “Anagu na ka haayad Camuud Foundation ahaan waxaanu diyaar u nahay, wixii aanu hore u qabanay iyo waxa danbe ee iman doonaba, in aanu sii horumarino. Waxaan wasaaradda caafimaadka uga mahad naqayaa arrimaha cashuur dhaafka, iyo wax kastoo ay uga baahato haayadda Camuud Foundation, wixii aanu uga baahano xafiiska ugu hooseeya ilaa heer degmo, iyo heer gobol, wuu nala qabtaa”.

Geesta kale Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa isna uga mahad celiyay haayadda Camuud Foundation dedaaladda arrimaha caafimaadka ee dalka ak qabato.

“Haayadda Camuud Foundation, waxay ka mid tahay haayadaha ugu balaadhan ee wasaaradda caafimaadka kala shaqeeya sidii loo fidin lahaa addeegyadda caafimaadka. Waxaanay dhismeyaal badan ku soo kordhisay wadanka, isla markaana ay qalabaysay. Wasaarad ahaan waxaanu masuul ka nahay hawlaha caafimaad ee dalka, haday tahay kuwa dawliga ah, iyo kuwa gaarka loo leeyahayba” ayuu yidhi agaasime Xergeeye.

 

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com