Cilad farsamo oo ku timid Facebook ayaa waxay ku tilmaamay dadka qaar in ay dhinteen, kuwaasi oo ku ku jiro mulkiiluhu

Cillad farsamo oo lama filaan ah oo ku timid Face Book-ga ayaa waxa keentay in muddo saacado ah dad badan oo isticmaala Face book-gu ay barahooda ku qortay in ay dadkaasi dhinteen.

Khaladkan farsamo oo dhacay shalay Jimcihii ayaa keenay in ay dad nool barahooda lagu arko astaan murugo oo baroor diiq ah.

Dad badan ayay arrintani ku khasabtay in ay fariimo u qoraan ehelka iyo asxaabtooda iyaga oo u sheegaya in ay nool yihiin oo waxaan meesha ku qormayna yahay been.

Af-hayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa yidhi:

“Cilladii farsamo ee foosha xumayd haatan waa la xalliyey, aad na waanu uga xun ahay waxan dhacay.”

Fariintan oo ahayd mid loogu talo galay in lagu xasuusto dadka geeriyooday ee adeegsan jiray Face book-ga ayaa si khalad ah u gaadhay bogagga dad nool oo uu ka mid yahay madaxa shirkadda Mark Zuckerberg.

Fariinta boggiisa ku soo qorantay ayaa waxay u dhignayd sida tan:

“Waxaan rajaynaynaa in dadkii jeclaa Mark ay ku samri doonaan waxyaabihii wacnaa ee intii uu ifka joogay qaban jiray, isla markaana ay asxaabta kale xasuusin doonaan si ay u xusaan noloshiisii.”

Arrintan ayaa waxay noqotay mid dunidda ka yaabisay kadib markii qof lagu qoray Face Book-giisa in uu dhintay, balse wali uu nool yahay qofkiisa oo ay dad badani tacsi u direen qoyskiisii.

bandhige@gmail.com