Trump waxa uu sheegay in aanu meesha ka wada saaray mashruuca horumarinta caafimaadka ee Obamacare

Madaxweynaha cusub ee loo doortay Maraykanka Donald Trump ayaa wakhtigii uu ololaha ku jiray waxa uu ololihii ku galay in uu tiri-tiri doona barnaamjka caafimaadka ee uu sameeyey Obama loona yaqaano Obamacare kaasi oo uu ku tilmaamay mid musiibo ah.

Waraysi uu siiyey Donald Trump wargeyska Wall Street Journal waxa uu ku sheegay, in ay u badan tahay in uu daayo qeybo ka mid ah barnaamijkaasi, oo uu ku tilmaamay mid uu “aad u jecel yahay.”

Donald Trump ayaa waxa hadda soo food saartay arrimaha badan oo ku galay ololaha in uu wax ka qaban doona oo ay tani kow ka tahay

Sidoo kale waxa ka bilaabmay Maraykanka dibadbaxyo lagaga soo horjeedo Donald Trump.

bandhige@gmail.com