Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac waxa uu Magaalo Cad ka furay ceel Biyood

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo uu weheliyo ku-simaha Agaasimaha Guud Wasaaradasi Maxamed Faarax Cabdi ayaa xadhiga ka jaray ceel biyood cusub oo lagu galay in ay faa’iidaystaan dadka ku dhaqan Magaalo Cad iyo deegaanada hoos yimaada.

Ugu horeyn ceel biyoodkan cusub ee laga hirgaliyey Magaalo Cad ayaa waxa ka warbixiyey Axmed Cabdi Gaas oo ka socday Islamic Relief Iyo Maxamed Amiin Al-Haadi oo ka socday Islamic Develop Bank (IDB) oo iyagu iska kaashaday hirgelinta ceel biyoodkan.

Ceel biyoodkan ayaa waxay sheegeen in ujeedadiisa loo sameeyey yahay in biyo helaan dadka deegaankaasi.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha oo inta badan xooga saara sidii ay dadweynaha reer somaliland uga haqab bixi lahaayeen biyo ayaa ka hadlay xaflada furitaanka ceelkan, waxaanu sheegay in biyo ay yihiin waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.

Sidoo kale waxa uu wasiirku soo kormeeray mashruuca biyo galina Wajaale, halkaasi oo uu ka socday haatan dhisida taangi biyood.

 

bandhige@gmail.com