Golaha Dhallinyarada Daraawiish ayaa waxay soo dhoweeyeen xoghayaha cusub ee loo magacaabay Golaha Wasiiradda Somaliland

Xisbiga Talada dalka haya ee Somaliland ayaa muddooyinkii u danbeeyey waxaa uu xilal kala duwan ku taxay Isla markaana Siyaasada kusoo daray Dhalinyarada reer Somaliland ee ka soo kala jeeda dhammaanba Gobolada Dalka.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tan iyo Intii ay Dalka la wareegtay waxaa ay Saaxada siyaasada u fududaysay Dhalinyarada Somaliland iyadoo laga soo bilaabo ka qayb galintii da’yarta ee doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka waxaana ay maanta sidoo kale magcawday masuul Cusub oo dhallinyaro ah.

Dhammaanba inta badan Golaha Dhalinyarada Daraawiishta eek u sugan magaalada Hargeysa  ayaa si balaadhan usoo dhoweeyey masuul cusub oo ay Xukuumada Somaliland dhowaan u magcawday Xoghayaha Cusub ee Golaha Wasiirada

Masuulkan oo lagu magcaabo Jamaal Maxamuud Jaamac ayaa ay ku sifeeyeen dhallinyarada Golaha Daraawiishta in uu yahay masuul ka soo bixi doona Xilkaasi loo igmaday waxaana ay Illaahay uga baryeen in uu Xilkaasi ku asturo isla markaana uu sida ugu wanaagsan rabi ugu fududeeyo

Dhallinyarada Golaha Daraawiishta oo barta ay ku leeyihiin Facebook kusoo bandhigeen taageerada ay u hayaan Jamaal Maxamuud Jaamac waxaa uu u dhignaa sidatan: 

“Gollaha Daraawiisheed waxay hambalyo gaadhsiinayaan Xoghayaha Guud Ee Gollaha Wasiirada Somaliland JJamaal Maxamed Jaamac Cashuur.

Jamal waa shaqsi Aqoon Iyo Karti u saaxiiba jagadaas loo magacaabayna u qalma, iyadoo Gollahaas ay u tilmaameen magacaabitaanka Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

Dhambaalkan hambalyada ah ee ka soo baxay Gollaha Daraawiisheed wuxuu sidoo kale k bogaadinayaa Wasiirka Wasaarradaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi talaabadaas magacaabitaanka Xoghayaha Guud Ee Gollaha Wasiirada.

Allaa Mahad Leh.

Gollaha Daraawiisheed.”

bandhige@gmail.com