Ciraaq: 80 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur

 

Ugu yaraan 80 Shiico oo ka soo noqday siyaaro ay laahaayeen ayaa ku dhintay qarax bamb ee ka dhacay jidka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Qaraxa ayaa lala beegsaday saldhig batrool iyo maqaayad oo u dhawaa al-Hilla, oo 100km (60 miles) ka xigta koonfurta Baqdaad.

Jidka ayaa waxaa ka buuxay dad ka soo noqonaya siyaarada Arbaeen ee magaalada Karbala. Madaxa ammaanka gobolka, Falah al-Radhi, ayaa sheegay dadka dhintay in ay u badnaayeen reer Eeraan.

Kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka ee IS, ayaa sheegtay in ay qaaday weerarkaas.

Busas waday Shiicada Eeraan oo siyaaranayay ayay u eg tahay in lagu beegsaday weerarka, oo ka dhacay meel u dhow tuulada Shomali.

Radhi warbaahinta u sheegay in ku dhawaad 80 qof ay ku dhinteen qaraxa, in ka badan labaatana ay ku dhaawacantay. Dhimashada ayaa la filayaa inay badato.

“Waxaa jira ugu yaraan 70 dhimasho, in ka yar 10 ayaa ah reer Ciraaq, inta kale waa reer Iran,”

bandhige@gmail.com