Ciraaq: Laba qaraxyo oo lagu leโ€™day ayaa waxay ka dhacay Tikriit iyo Saamarraa

Laba qarax oo is-miidaamin ah ayaa waxay galaafteen nolosha ugu yaraan kow iyo labaatan qof magaalooyinka Tikriit iyo Saamarraa ee dalka Ciraaq.

Labada weerarba waxa loo adeegsaday baabuur dhoolliyo ah (ambalaas) oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Labada baabuur midkood ayaa la jiidhsiiyey baabuur badan oo saf ugu jiray bar kaantarool oo ku taal magaalada Tikrik. Xogta ciidamada nabad gelyada laga helayaana waxay sheegaysaa in saddex iyo toban qof ku dhinteen qaraxaas.

Qaraxa kale ee ka dhacay Saamarraa ayaa isagana lala beegsaday basas siday Muslimiin Shiico ah oo xus siyaaro u socday.

Waxa loo malaynayaa in weeraradad ay ka dambeeyaan mitidiinta kooxda la baxday Dawladda Islaamka oo laga yaabo in ay uga dan lahaayeen in ay dawladda ka jeediyaan weerarka ay ku hayso magaalada woqooyiga ku taal ee Mosil ee ay kooxda Daacish gacanta ku hayso.

bandhige@gmail.com