Turjumaano ayey u baahan yihiin dadka Soomaalida qaarkood! (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

Soomaalidu wali waxa jiray dad aan dhinaca lahjada Soomaaliga aan si fiican isugu fahmin, taasi oo keentay in dad badan oo dani ka dhaxayn lahayd ay is fahmi wayaan ama ay is af-garan wayaan, mararka qaarkoodna ay u baahdaan cid u kala turjubaanta.

Nin u dhashay Koonfurta Soomaaliya, ayaa waxa uu xidhiidh aad u dhaw la lahaa gabadh u dhalatay Waqooyiga, balse ninkaasi Illaahay amarkii gabadhii ismay calfay (guursan) nasiib darro gabadhii waxa ay guursatay ninkale.

Madamaa ay gabadhii ninkale ay guursatay, waxa ay kala faataxaysteen waadadkii reer Koonfur oo magaciisa layidhaa Calasow, wakhti aad u badan ka bacdi ayaa gabadhi iyo ninkii ay guursatay ay kala tageen, calafkooduna uu dhammaaday.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii Calasow oo dukaan wax ka iibsanaaya ayaa waxa uu kusoo baxday qof u eeg gabadhii uu barigii aadka u jeclaa ee magaceeda la odhan jiray Xaliimo.

Calasow aad ayuu gabadhii indhaha ugu jeediyey, balse wali shaki ayaa kaga jira in gabadhani ay tahay jacaylkiisii hore iyo inkale, waayo waxa ugu danbaysay muddo aan ka yarayn dhawr iyo toban sanno.

Illaahay amarkii gabadha lafteedii waxay noqotay mid iyaduna ka libiqsan wayday aragtida Calasow, waxa ka dhacday isu fiirsasho aan caadi ahayn, qofkastaaba waxa uu ka fikirayaa qofkan halkee ayaad ku arki jirtay.

Hadal iyo dhammaan, waxa la yidhaa dumarku ma ilaabaan waxyaabaha qaar, gabdhii ayaa hadalka ku horaysay waxa ay tidhi:

“Ma waxa aad tahay Calasow?”

Waxa uu ku jawaabay:

“Haa ! adigu ma waxa aad tahay Xaliimo.”

Salaan iyo isku soo boodo gaaban ka bacdi, waxa la iskula degdegay iswaraysi iyo halkeed ka dhacday iyo ii waran, ma guursatay iyo adigu ma guursatay, midkastaaba waa uu jeclaan lahaa in kan kale yidhaado maya ee wali maan guursan.

Calasow oo la waydiiyay su’aasha ah ma guursatay? ayaa waxa uu lasoo booday Abaayo haa, isla gabdhii waxa ay su’aashii daba dhigtay hore, carruur ma kuu dhalatay?Calasow oo waxoogaa yar diidan su’aasha danbe ayaa waxa uu yidhi maya Illaahay baana qadaray.

Calasow ayaa isna sidaasi oo kale waxa uu Xaliimo waydiiyay in ay guursatay iyo in kale, waxaanay ku jawaabtay haa waan guursaday, haddana waxa ay sii raacisay si ay ugu sheegto in ay hadda madax banaan tahay, balse ninkii aan guursaday waanu kala tagnay, taasi oo ay Calasow bushaaro uga dhigayso, madaama ay ogayd siduu u jeclaa.

Runtii Calasow arrinkaasi ah waan guursaday ma’uusan jeclaysan, haddana waxa uu xooga ku yidi-diishay furiinka danbe ee ay Xaliimo sheegtay, taasi oo uu u arkay in ay tahay fursad labaad oo uu ku guursan karo Xaliimo oo uu hore u jeclaa.

Xalimo in la guursaday isla markaana ay ninkii kala tageen intaasi kumay dhaafine waxa ay Calasow u sheegtay in ninkii guursaday aanay ku khaasarin iyada oo u waramaysay Calasawna waxa ay tidhi:-

“Walaalo ninkii aan guursadaya kumaan khaasaarin oo laba nin ayaa Illahay iga siiyay.”

Calasow aad ayuu u yaabay, waxaanu fahmi waayay eraygan danbe ee ay raacisay furiinka ee ah in Illaahay laba nin uu siiyay.

Calasow oo yaaban ayaa ku celiyay, waxaanu ku yidhi,yaa maxaa tidhi abaayo ninkii ku furay laba nin aan ka helay yaa?

Xaliimo oo hadalkeedii hore sii qurxinaysa ayaa tidhi:

“Haa waa Illaahay mahadii ninkaas kumaan khasaarin Laba nin oo Labaatan jirraa ayaan ka helay oo aan hada haystaa, maxaa ku helay Calasow maashaa Allah dheh.”

Calasow oo yaaban ayaa wax uu ku hadlo ayuu garan waayay, waxa kale oo hadana laf dhuun gashay ku noqotay labadan nin ee Labatan jirada ah, waayo waxa uu filayay madaama gabadhan oo hore u jeclaa, calafna kala kaxeeyay, in maanta madaama la soo furay uu u bandhigo guur labaad, balse waxa ku adkaatay eraygii ahaa ninkii isoo furay laba nin oo labaatan jiro ah ayaan ka helay.

Runtii Calasow arrintaasi waxa ay ku noqotay mid aad u adag, waxa kale oo iyana uu fahmi waayay labadan nin ee ay Xaliimo sheegtay iyo ninkan furay cilaaqaadka ka dhaxeeyaa muxuu yahay, waxaanu isku qanciyay, garawsadayna in Xaliimo aanu boos uga banaanayn ee ay laba nin ku jiraan.

Malintaasi Calasow iyo Xaalimo intaasi isumay dhaafin, balse waxa ay kala qorteen talafonada, waxanay ku balameen in ay dib kasoo wada hadlaan, iyada oo midkastaaba uu kan kale aad u danaynayo.

Wakhti laga joogo muddo hal bil ah, ayaa Calasow isaga oo Bas saaran ayaa waxa uu arkay kursi aan sidaasiba uga sii fogayn Xaliimo oo fadhida isla markaana laba inan (wiil) midba uu dhinac ka fadhiyo.

Calasow waxa maskaxdiisa ku soo dhacday, alaylahe Xaliimo labadii nin ee ay sheegaysay waa kuwan hareeraheeda fadhiya, waxa kale oo layaab ku noqotay Calasow madaama ay labadan wiil yihiin kuwo aan wali si fiican aan u qaan-gaadhin, maxay ayay yihiin xidhiidhka ka dhaxayn karaa Xaliimo.

Calasow oo yaaban, runtiina wax badani ay ka qaldan yihiin, ayaa waxa Baskii soo fuulay Dumar Soomaaliyeed, sida inta badan dumarkeena u caado ah, waxa ay markiiba bariidiyeen gabadhii Xaliimo, kadibna waxa ay cod dheer ku yidhaahdeen mashaa Allaah sawkuwan kuu koray caruurtaadi.

Calasow hadda ayuu fahmay sheekadii, inta uu markiiba soo kacay ayaa waxa uu ku yidhi Xalimo, oo ma adiga ayaa dhalay labadan Wiil?

Waxay ugu jawaabtay haa, sawnigii kuu sheegay miyaad ilawday Calasow?

kuyee maya maan ilaabin waxaan u fahmay in laba nin oo kale ay ku guursadeen, KKK qosol iyo amakaag!!

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ: Khadar Ibraahim Aar