Madaxweyne Siilaanyo waxa uu gurigiisa ku booqday Madaxweyne-ku-xigeenka oo dhaawac ka soo gaadhay misigta bidix

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda, Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda, Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Axmed Cali Axmed, ayaa gurigiisa ku booqday Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo dhaawac ka soo gaadhay misigta bidix ama lugta bidix ka dib markii uu ku siibtay marmarka gurigiisa.

Madaxweyne ku xigeenka oo madaxweynaha warbixin ka siiyey sida ay wax u soo gaadheen markii uu dhacay, ayaa sheegay in markii nabarku soo gaadhay aanu wax dhiba dareemayn balse hadda aanu kici Karin iyadoo la taageero mooye, dhakhtaro doorina ay u yimaadeen kuna hawlan yihiin inay ogaadaan sida ay laftu wax u qabto.

Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay marka laga yimaado dhaawaca ka soo gaadhay midigta ayuu madaxweynuhu ugu duceeyey in Alle u fudaydiyo nabarkaa soo gaadhay, ugana dhigo mid sahlan oon dhib lahayn.

bandhige@gmail.com