Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa casuumad casho sharaf ah waxay xalay huteel Maansoor ku casuuntay ciyaartoyga gobollada ee ka qayb-galaya tartanka Wareega labaad ee ciyaaraha Gobollada dalka.
Casuumaddan casho sharafta ah waxaa ka soo qayb-galay dhammaan ciyaartoyga sideeda gobol ee tartankan ka qayb gali doona, maamulka iyo masuuliyiinta ciyaartoyga gobollada, xubno golaha wasiiradda ka tirsan, xubno badhasaabadda goboladda ka socday, masuuliyiinta shirkaddda Telesom iyo marti-sharaf kale oo ka socday qaybaha bulshadda.
Shirkadda Telesom waxay dhammaan xulalka goboladda ee Sool, Awdal, Sanaag, Gabiley, Hawd, Saaxil, Xaysimo iyo Daad-madheedh ay guddoonsiisay dirayska ciyaaraha oo
dhamaystiran.
Ugu horay waxaa casuumadan ka hadlay Agaasimaha horumarinta arimaha Bulshadda ee shirkadda TELESOM Cabdiwahaab Maax waxaanu u mahadnaqay dhamaan masuuliyiinta iyo ciyaartogay ka soo qayb-galay casuumaddan shirkadda ku maamuustay ciyaartoyga goboladda. Waxaanu sheegay in shirkaddu ay ugu talo-gashay casuumaddan inay ku dhiiri-galiso, oo ay ku waaniso, oo ay ku wacyi-galiso ciyaartoyga ka bad qaba balwadaha iyo dhaqamadda liita.
Cabdiwahaab Maax ayaa sheegay in shirkadda Telesom uu waajib ka saaran yahay cidkasta oo bulshadda magaca iyo maamuus usoo jiidaysa oo ay ugu horeeyaan dhalinyaradda ciyaartoyga goboladda dalka ka socda. Maax ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay noqotay ciddii ugu horaysay ee soo dhawaysa, ee sharafta ee casuunta ciyaartoyga goboladda dalka ka socda.
Casuumaddan Casho-sharafta ah ee shirkadda Telesom u qabatay ciyaartoyga goboladda dalka ka socday waxaa ka hadlay Wasiirka Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cabdilaahi Faarax Maydhane, Washiirka Warshadaha Shucayb, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dhinaca Amniga, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga, Gudoomiyaha Gobolka Sool, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Gudoomiyaha Gobolka iyo Maayarka Degmadda Oodweyne, waxaanay masuuliyiinta ugu horayn shirkadda Telesom uga mahadnaqeen casuumadda casho-sharafta ah ee ay ku maamuustay ciyaartoyga goboladda dalka ka socday, waxaanay shirkadda ku amaaneen kaalinta wax ka oolka ah ee ay hadd iyo jeer hormuud ugu tahay ganacsatadd dalka hadday noqoto ka qayb-qaadashadda arimaha horumarinta danta guuda ah.