Laba dhulgariir ayaa ku dhuftay Talyaaniga

Laba dhulgariir oo culus ayaa waxa ay ku dhuftay badhtamaha waddanka Talyaaniga, xudunta dhulgariirkuna waxay ahayd magaalada Macerata ee gobolka Marche.

Dhulgariirkan ugu dambeeyay ayaa dhacay laba bilood uun kadib markii dhulgariir xoog badani uu burburiyay dhowr magaalo iyo tuulooyin ku dhaw gobolkan uu haatan ku dhuftay, waxaana ku dhintay ku dhawaad 300 oo qof.

Dhulgariirka labaad ee isla goobta ku dhuftay aad buu uga xooganaa kii hore. mid ka mid ah dadkii goobjoogga ahaa ayaa u sheegay telefishan Talyaani ah in uu arkay guryo dumayey oo uu toos u eegayay markay isku fadhiisteen. Shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgalaya goobaha mashaqadu ka dhacday ayaa weli qiimaynaya khasaaraha dhacay inta uu leegyahay.

Ilaa haatan wax dhimasho ama dhaawac halis ah lama soo sheegin. Dugsiyada gobolka oo dhan ayaa maanta oo khamiis ah wada xidhnaan doona, dadka oo aad uga baqaya in ay guryahooda ku noqdaan oo ay u hoydaanna waxa lagu hayaa goobo hoy loogu talo galay ah oo loo diyaariyay.

Maamulka maxalliga ah ayaa iyaguna dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan laakiin dadka gobolka degan wei cabsi badan baa ka muuqata. Dhulgariirkani wuxu ku dhuftay laba bilood uun kadib markii mid hore oo ka dhacay meel aan sidaa uga fogayn ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo qof magaalooyin iyo tuulooyinna burbur badani ka soo gaadhay.

Habeenkii xalay ahaa waxa laga dareemay dalka oo dhan dhulgariir aan sidaa u sii xooganayn oo saameeyey laga bilaabo Trieste oo woqooyiga ku taal ilaa Naple oo xaggga koonfureed ah.

bandhige@gmail.com