Kadib maalmo dhawr ah oo ku xanuun badnaa Hillary Clinton oo ah murashaxa Dimuqraadiga ee Maraykanka kadib markii lagala baxay kaalinta koowaad ee tartanka, waxay mar labaad sugtay in ay ka dhibco sarrayso dhiggeeda Donald Trump iyadoo doorashadiina ay qabsoomayso berito. Waxay hadda ku hoggaaminaysaa 45 dhibcood halka uu Trump ka haysto 43 dhibcood sida ay muujiyeen sahan ay sameeyeen jariiradda Washington Post iyo telefishanka ABC.
Warkani wuxu neef qabow ka soo saaray xisbiga Dimuqraadiga iyo taageereyaashiisa iyo sidoo kale badi dadweynaha dunida oo Donald Trump u arka oday qalqaali ah oo aan lahayn masuuliyaddii uu ku hanan lahaa xilkan aadka u culus.
Saadaashu waxay hadda u badan tahay in Clinton ay madaxweyne noqonayso iyadoo ay adag tahay in uu Trump wax ka yar 24 saacadood uu laba dhibcood kaga soo kaban karo. Sidoo kale hay’adda dambiyada u qaabilsan Maraykanka ee FBI ayaa ka qaboojisay eedihihii emaillada ee ay u haysteen sheegayna in aanay wax dambi ah ku soo oogi doonin taas oo ay taageero hor leh ku sii kasban doonto.
Donald Trump ayaa toddobaadkii ugu dambeeyey si lama-filaan ah u soo dul maray Hillary Clinton iyadoo sababtuna ahayd eedaymihii la xidhiidhay maamul-xumada dhinaca emaillada oo FBI-du ku soo cusboonaysiisay.