Hilary Clinton ayaa guul laxaad leh ka soo hoysay is-reeb-reebka loogu jiro cidda murashaxa u noqonaysa xisbiga Dimuqraadiga ee uga qayb-galaysa doorashada qorashaysan in ay qabsoonto 1-da November 2016.
Clinton waxay codad tiro badan ka heshay madowga gobolkaas ku nool iyo qaybaha kala duwan ee dadkaasa marka laga feebo caddaanka u janjeedha dhinaca furfurnaanta ee loo yaqaan “liberals-ka” oo u codeeyey Sanders.
Waa gobolkii saddexaad ee ay Clinton kaga badiso Sanders. Taasi waxay aad hoos ugu dhigaysaa rajada laga qabi karo in Sanders uu ku guulaysto murashaxnimada Dimuqraadiga.
Salaasada uu ay codaynayaan gobollada ugu tirada badan ayaa sahanka ay la qaaday uu muujinayaa in ay Clinton ku horrayso, taas oo u sii quus-gaynaysa Senator Sanders.
Haddii uu Sanders rabo in uu ka badiyo Clinton, waxa looga baahan doonaa in uu la yimaad guulo mucjiso ah oo uu gobollada aadka u waaweyn kaga badiyo Clinton taas oo aan u badnayn in ay dhacayso.
Clinton ayay codbixiyeyaasha Jamhuurigu u arkaan in ay tahay qof awood badan oo kabaha la dul mari doonta Donad Trump oo la filayo in uu ka soo baxo dhinaca Jamhuuriga.
Goor dhawayd oo maanta ay mar ay jeedinaysay khubadda guusha Clinton waxay dhalleecaysay Donald Trump oo aanay si toos ah magaciisa u sheegin. Waxayna sheegtay in aan loo baahnayn in Maraykan mar labaad laga dhigo dal weyn laakiin uu Maraykanku mar walba ahaa dal weyn oo awood badan uuna sii ahaan doono. Clinton waxay tixraacaysay hal-ku-dhigga Donad Trump ee ah “Make America Great Again” oo macnaheedu yahay “Mar Kale Aan Maraykanka Ka Dhigno Dal Awood Weyn”
Il-wareed: Reuters
Bandhige@gmail.com