Hordhac
Soomaalidu waxay ka mid yihiin ummadaha hillinkooda iyo hayaankooda nololeed aan dhab loo ogayn illaa haatan iyadoo ay ugu wacan tahay reer guuraanimada ay muddo dheer ku soo jireen iyo yaga oo aan ahayn dad aan waxba qorin waxna akhriyin ee afkooda maala. Badi hawraartooda waxay ku gudbin jireen hab-suugaaneed aan filayo in saddex ay ugu badnaayeen: gabayga oo ahaa mansabka ugu sarreeya, geeraarka iyo jiiftada.
Hadh iyo habeen waxay ku foogganaayeen curinta maansooyin foolaad ah oo si dhab ah u taabin jirtay dareenka dhiggoodii waagaas ka warsugayay. Sidoo kale waxa jiray hab afaraad oo hees ahaa guud ahaanna waxa laysku odhan karaa maanso sida ay qabaan suugaanyahanno illaa haatan carriga Soomaaliga ku nool.
Dabcan way jireen niman taariikhyahanno ah oo Soomaalida wax ka qoray, malahaygana Ibnu Batuuta uu ugu horreeyay, waayadii danbe na Lewis iyo Richard Barter – geesta taariikhda ma eegi doono ee waxaan millicsan doonaa badweynta suugaantoodii maad oo idili dhex muquurtay, maamuus na u dheeraa. Guud ahaan luuqadaha adduunka uu tiro ahaan kor u dhaafaya 6500 oo luuqadood, kolka la daraasaynayo, waxa laga eegaa tix iyo tiraabta. (Prose and Poetry; الشعر والنثر 1
Gabaygu waa bad-weynta suugaanta kan ugu sarreeya sidoo kale waa il muhiim u ah maahmaahda Soomaaliga ah oo badanaa lagu yaqaanno inay leedahay xaraf raaca gabay ga loo shardiyo ‘qaafiyad’ na loo yaqaanno. Tusaale ahaan: Qammaan Bulxan gabay uu tiriyay laba meeris oo maahmaah noqday ayaa ahaa:
Baadida nin baa kula daydayoo, daalna kaa badan e’
Doonahayn in aad hesho daa’in abidkaay e’.
Sidoo kale, gabaygii uu tiriyay Dhaqan yaqaanka weyn ee Soomaaliyeed Abwaan Muuse Cali Faruur, waxa ku jiray tuduc ahaa:
Kabbashada cilmiga gaaban waa lagu kadeedmaa
Isugeynta labadaas caddeymood iyo kuwo kale oo aynaan halkan ku soo minguurin, waxay tibaaxaysaa in meerisyada gabayada qaarkood isku rogaan maahmaah – taas beddelkeeda qaar ka mid ah ragga sida weyn loogu yaqaanno afka Soomaaliga aqoonta durugsan ee ay u leeyihiin waxay sheegaan ba in maahmaahdu ka hadhay gabay intiisii kale luntay! Si kasta oo ay ahaataba, maahmaahdu waxa kale oo ay ku timaaddaa dhacdo kol dhacday hawraar ka hadhay oo si weyn loola ashqaraaray kaddibna raacii ay ku dhacday oo gaadhsiiyay raacii xigay sidaasna ay bari iyo bogax ba uga dhacday maqalkeeduna dheeraaday.
- Saddex Alle kuma bado, hadduu ku bado na saddex kaagama dhigo. Waalid inkaar Alle kuma bado, hadduu ku bado na inanka reerka u weyn Ilaahay kaagama dhigo.2
- Ilaahay talo xumo kuma bado, hadduu ku bado na Ilaahay odayga reerka kaagama rido.
- Ilaahay hunguri weyni kuma bado, hadduu ku bado na islaanta reerka kaagama rido
- Saddex waa mugdi; saddex baa u miciin ah; saddex baa ka macaan; saddex na waxba uuguma taallo.
Saddex waa mugdi: abaari waa mugdi, caws baa u miciin ah, doogaal baa ka macaan, qofkaan xoolo lahayn se waxba uuguma taallo
Habeen waa mugdi, dayax baa u miciin ah, dharaar baa ka macaan, qofkii aan indho lahayn se waxba uuguma taallo
Colaadi waa mugdi, heshiis baa u miciin ah, nabad baa ka macaan, qofkii dhintay se waxba uuguma taallo
- Talo siyaasad baa ka hadhay; oday samir baa ka hadhay; dumar socod baa ka hadhay; dhul na sagaro ayaa ka hadhay; geel na seeto ayaa u hadhay
- Saddex abaarood ayaa jira: abaar rag, abaar dumar, iyo abaar geel
Abaar geel waa ilko la’aan
Abaar dumar waa ubad la’aan
Abaar rag waa arrin la’aan
- Jeerin lagamana boodo lagamana duso;
- Nin rag ah dhiil baa lagu rartaa, dhoon aad ka furatid e’
- Soomaalidii hore waxay yidhaahdeen dumar ninkee ugu fiican? Ninka hayinkeeda noqda, haybaddeedana ilaaliya, hantideed se lama noqdo.
Raad-raac:
1 – Muqaddimatu Ibnu Khaldun, Beyruud, madbacaddii daabacday Daarul Jeyl, 642
2 – Abwaan Muuse Cali Faruur
Waxa diyaariyey: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”