Kulammadii Cirro iyo Reer Awda
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa hab-maamuuska iyo kala-gorfeynta hawlaha u qaabilsanaa koox dhallinyaro iyo da’ dhexaad iskugu jirta. Waxaa muuqatay dhammaan kulammada iyo meelaha uu booqanayey in ay ahaayeen kuwo horay loo sii diyaariyey iyo kuwo markaa lagu dul abuuraayey. Mararka qaar way dhacaysay in meelaha qaar laga beddelo barnaamijka laakiin inta badan waxa horay loo sii agaasimay ayey u ekaayeen.
Dhinaca kale waxa uu kala mid ahaa gudoomiye Muuse Biixi in isaga iyo wefdigiisu ay kulamo abaabulan qabanqaabiyaan oo ay la yeeshaan dad kala duwan oo ku uuman gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama. Waxa uu la kulmay beelaha waaweyn intooda badan. Waxaa la ii sheegay in aanu mid ka mid ah beelaha la kulmin sababta uuna ula kulmina waa mid iyaga jirta, laakiin kuwa kale uu la qaatey wada-xaajood qaatey saacado oo labada dhinac jilbaha la isku aastey laguna gorfeeyey waxa ay kala filayaan labada dhinac.
Kulammadaas mid ka mid ah waxaa iga soo gaadhay in beesha guddoomiyuhu la kulmay ay dood aad u adag dhex martay. Waxaanay beeshu kula doodday in ay iyadu xaq u leedahay musharaxa madaxweyne-ku-xigeenka, taasi oo ay xujadooda ku adkeeyeen in musharaxoodu halgan siyaasadeed dheer uu la soo galay muddadii uu jiray xisbigoodu iyo markii ay UCID ahaan jireenba.
Jawaabta uu Guddoomiye Cirro bixiyey inkasta oo aanan si dhab ah u wada hayn haddana waxaa loo badinyaa in uu hadlkiisa nuxurkiisu ahaa in uu jecel yahay in sida ay rabaan wax u dhacaan, isla markaa aanu maanta diyaar u ahayn in wax cod ahi ka khasaaraan.
Kulanka kale ee la yeeshay mid ka mid ah beelaha waaweyn ee Awdal ayaa isaguna xiisihiisa gaarka ah lahaa waxaanay beeshan dalbatay in musharaxeedu geed ka go’an yahay, tana waxa uu ugu jawaabay in uu guddi qiimeeya sida loo kala cod iyo tayo badan yahay soo diri doono isla markaana qoladaas warbixintooda lagu go’aan qaadan doono.
Waxaa jiray kulamo kale oo dumarka iyo dhalinyarada uu la yeeshay kuwaas oo warbaahinta lafteedu ka qayb gashay su’aalo muhiim ahna lagu waydiiyey mudane Cirro. Waxaa ka mid ahaa su’aalahaas kuwo ku saabsan saami-qaybsiga Golaha Wakiillada, xeerarka doorshada iyo kala-xadeynta degmooyinka oo Golaha Wakiillada hor yaalla kuna habsaamey boorsadahooda, Axmed-Yaasiin oo isku sharaxay xilka guddoomiye-ku-xigeenka oo uu ka codeeyey iyo su’aalo kale.
Waxaanu kaga jawaabay Cirro su’aalahan hadallo kooban oo dhammaan muujinaya in uu dhinaca fiican ka joogsaday sida laga yaabo in aad badankiinu daawateen, waxaanu ku daray in qaababka goluhu u qaato go’aammadu ay maraan heerar kala duwan oo ay ka mid tahay soo-diyaarin, isku-dubarid, ka-doodid iyaga oo ah qaab mooshin ah dabadeenda goluhu u codeeyo oo aqlabiyad ama cod hal-dheeri ah lagu kala baxo. Waxa kale oo uu sheegay Guddoomiye Cirro in aanu ka coday xildhibaan Axmed-Yaasiin isla markaana aan looga baahan guddoomiyuhu in uu codeeyo inta badan.
Meelaha wefdiga guddoomye Cirro booqday ee soo-jiidashada gaarka ah lahaa waxaa ka mid ahaa odayaal waaweyn ama dad magac ku leh gobolka Awdal oo hoggaanka dhaqanka ama culimo ah ama ganacsato ah laakiin hadda xanuunsanaya oo aan kici karin oo uu guryahooda ku booqday, kuwaas oo ah waxyaabaha muujinaya in barnaamijkoodu horay jadwal u lahaa oo uu sii qorshaysnaa.
Waxaa mudan xusitaan in aanu Cirro kulanka Muuse oo kale ee gaarka ah ee isugu jiray haasaawaha iyo qod-qoditaanka la samayn aqoonyahanka, taas oo dhinaca weftiga guddoomiye Cirro ka suurtoobi wayday iyadoo aqoon-yahannadu tiraba dhawr jeer saraakiisha xisbiga ka codsadeen kulanka laakiin la meermeeriyey oo si cad wax loogu sheegi waayey. Waxa iyaduna jirtay in xubno ka mid ah weftigu ay kulanka ballan-qaadeen laakiin ay balantii ka baxeen.
Hoos ka akhri qaybtii koowaad iyo labaad ee faallada:
Faallo: Tartanka Biixi iyo Cirro u dhaxeeya fari kama qodna, Q.1aad
Faallo: Tartanka Biixi iyo Cirro u dhaxeeya fari kama qodna, Q.2aad
Waxaa Qoray: Xasan Ciise