Kooxda Rouxani oo guul weyn ka soo hoyeeyey doorashada baarlamaanka

Kooxda taabacsan Madaxweynaha isbedal doonka ah ee Eeraan Xasan Rouxani, ayaa guul weyn ka soo hooyey doorashadii Jimcihii ka dhacday Eeraan.

Doorashadan ayaa noqonaysa doorashadii ugu horeysay eek a dhacda Eeraan tan iyo intii ay Eeraan la gashay heshiiska nucliyeerka ee quwadaha waaweyn.

Kooxdan ayaa waxay heleen aqlibada xubnaha baarlamaanka gaar ahaan caasimadda oo heleen kuraasta Tehran oo dhan.

Malaayiin codbixayaal ah ayaa Jimcihii doortay baarlamaanka Eeraan oo ka kooban 290-ka xunbood iyo weliba golaha khubarada oo ka kooban 88 xubnood.

Waxa la filayaa in golaha baarlamaanka cusub ay magacaabi doonaan ninka bedelaya Ayatollah Khamenei oo ah 76 jir xaaladiisa caafimaad aanay aad u wanaagsanayn beryahan dambe.

Sidoo kale kooxaha mayalka adaga ee Eeraan ee uu hoggaamiyo Ayatollah Taghi Mesbah Yazdi, ayaa guuldarro weyn kala kulmay doorashada uu meel hoose kaga jiro.

Siyaasiyiinta isbedal doonka ah ee Eeraan ayaa xoogga saaraya sidii ay maalgashi shisheeye ugu heli lahaayeen dalkooda, maadaama laga qaaday cunaqabateyntii ay saareen waddamada reer galbeedku.

bandhige@gmail.com