Cutub ka tirsan ciidanka dab-demiska Caasimada waxa u soo gabagaboobay tabobar muddo u socday

 

Cutub ka tirsan Ciidanka cusub ee dabdemiska caasimada oo soo dhamaystay tababar muddo uga socday xarunta taliska guud ee ciidanka Dabdemiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Ciidankan cusub oo muddoย  tababaranayay ayaa waxaa ay imika isku diyaarinayaan inay bilaabaan tababarada kale ee dabka sidii ay uga hawlgali lahaayeen,waxaana muddaadaa ay soo qaateen tababaro kala duwan ooย  dhankasataba ah.Sidoo kale Ciidanka cusub ee dhawaan dhamaystay tababarka ayaan ahayn kuwo soo qaatay tababaro dhanka shaqada ah balse waa ciidan ka dhisan dhankastaba haday noqoto dhanka akhlaaqda,edaabta iyo asluubta ciidanimo.

Haddaba ciidankan cusub ayaa afar iyo labaatanka saacadoodba heegan ku ah markastaba shaqada waxaanay diyaar u yihiin in ay badbaadiyaan nafta iyo maalka muwaadiniinta ku dhaqan Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa.

Dhanka kale maamulka Ciidanka Dabdemiska oo ay ugu horeeyaan Taliye Axmed Sawaaxil, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi,Sudlaan Axmed Daahir iyo maamulka kale ee ciidan weynaha dabdemiska ayaa dadaal weyn galiyay sidii ciidanka dabdemisku loo tayayan lahaa isla markaana kor loogu qaadi lahaa tayadooda loona kordhin lahaa,waxaana muddadii ay tababarka ku jireen ciidankaasi maamulku galiyay dadaal aan kala goโ€™o lahayn hadh iyo habeena aanay ka nasan sidii ciidankaasi u noqon lahaa mid hanaqaada isla markaana anfaca dadweynaha ku dhaqan caasimada.

Ugu dambayn ciidanka cusub ayaa ka mid noqon doona ciidanka Dabdemiska qaranka gaar ahaan ciidanka caasimada magaalada hargeysa waxaana ay heegan u yihiin ina y u adeegaan bulshada ku dhaqan Caasimada.

 

bandhige@gmail.com