Sucuudigu wuxu baadhayaa nin si arxan darro u gaaracaaya ilmo yar oo gabadh hore u dhashay oo internetka la soo galiyey

 

Xukuumadda Sucuudiga ayaa bilwoday baadhitaan kadib markii lagu wargaliyey filim la soo dhigay baraha Intetnet-ka kaas oo muujinaya nin garaacaya ilmo ay isku dhaleen xaas ay horey isu qabi jireen.

Haweenay Suuriyaan ayaa muuqaalka ku baahisay barta Internet-ka ee Twitter-ka, iyadoo sheegtay in filimka uu u soo diray ninka oo ay horey isu qabeen isagoo ku qasbaya inay dib ugu soo laabato.

Cabashada hooyada ka timid ayaa keentay in muuqaalka la wadaago in ka badan 118 kun oo goor muddo 24 saac ah. Saraakiisha ayaa sheegay in ilmaha oo saddex sanno jir ah hadda la geeyey xarumaha xanaanadda.

Hooyada ayaa heshay 14 kun oo qof oo saaxiibo kula ah Twitter-ka waxaana la sameeyey qanaad ama hashtag# ciwaan looga dhigay hooyo doonasya in ay gabadheeda dib loogu soo gacan galiyo. Muuqaalka ayaa muujinaya ninka oo garaacaya ilmaha oo neeftu ku dhagayso.

Waxa kale oo lagu arkayaa muuqaalka isagoo dharbaaxo la dhacaya ilmaha yar oo ooyaya isla markaana madaxa si arxan daran uga ruxaya, waxa kale oo muuqaalka laga arkayaa isagoo sigaar wajiga  kaga bakhtiinaya ilmaha yar oo jiifa.

Wasaaradda shaqada iyo horumarinta bulshada iyo xuquuqda aadanaha ee Sucuudiga ayaa u sheegtay hooyada ilmaha in ay xaaladda la soconayaan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in ilmaha hadda la geeyey xarun badbaado oo ku taal magaalada Maka, isla markaana lagu sameynayo baaritaan caafimaad iyadoo la qaadi doono:

“Talaabooyinka loo baahan yahay ee la xidhiidha bad-qabka ilmaha.”

Hooyada ayaa u mahadcelisay masuuliyiinta dadaalkooda laakiin kuma aanay cadayn Twitter-ka in gabadheeda dib loogu soo celiyey iyo in kale.

Goor sii horeysay waxay beenisay wararka sheegay in gabadheeda dib loogu soo celiyey.

Hooyada oo wareysi siisay Telefishinka Sucuudiga laga leeyahay ee Al-Arabiya, waxay sheegtay in ninkeedu uu ahaa naxariis laawe oo garaaci jiray afartii sanno ee ay isqabeen, isla markaana ay ka soo baxsatay iyadoo hadda la nool qoyskeeda oo degan magaaladda Maka ayna qaadatay furiin.

Qoyskeeda ayaa sheegay in ay kula taliyeen in ay gabadheeda ay u dayso Aabaha ayna aado nidaam maxkamadeed. Waxay sheegtay in ninku uu soo diray muuqaalka ilmaha uu gabood falka ugu sameynaynayo si uu ugu qasbo in ay u soo laabato ama uu dilo ilmaha.

bandhige@gmail.com