Daahfurka Marshuuca Horumarita Saxaafadda Somaliland- War-saxaafadeed

Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF oo kaashanaya Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) waxay maanta oo Taariikhdu tahay 28/06/2015 halkan ku daah furtay marshuuc lagu horumarinayo saxaafadda Somaliland kaas oo wax badan ka tari doona tayada iyo horumarka saxaafadda Somaliland, waxa sidoo kale qayb ka ah hirgalinta mashruucan dalada isku-xidhka jaaliyadda Somaliland ee Sweden (SLRF) iyo Forum Syd, halka dhaqaalaha ku bixi doona ay ku tabarucday sanduuqa horumarinta dalka Sweden ee SIDA, wuxuu socon doonaa moddo sadex sano ah.

Dallada SONSAF waxay in badan u kuurgalaysay xaaladda saxaafadda Somaliland iyadoo la sameeyey daraasado kala duwan oo lagu ogaaday baahiyaha kala duwan ee haysta saxaafadda guud ahaan; haday tahay xaga dhismaha Ururada kala duwan ee saxaafadda (institutional development), xaga tababaradda iyo xaga shuruucdaba.

Waxaa hubaal ah in saxaafadda Somaliland samaysay horumar balaadhan 20kii sano ee u danbeeyey taas oo la odhan karo Somaliland way ku faani kartaa marka la barbardhigo wadamadda ku yaal bariga Afrika.

marka laga yimaado Horumarka ay gaadhay Saxaafadda Somaliland waxa jira caqabado kala duwan oo haysta Suxufiyiinta, kuwaasoo oo u baahan in wax laga qabto si kor loogu qaado tayadeeda, xirfadeeda iyo aqoonteedaba, waxaa kaloo loo baahanyahay shuruuc dhamays-tiran.

Hadaba, mashruucani wuxuu yahay mid wax-tar-weyn kagaysanaya sidii saxaafadda Somaliland ay u samayn lahayd horukac balaadhan, iyadoo la qaban qaabin doono kulamo lagu falaqayn doono qabyada ka jirta xeerarka Saxaafadda iyo siyaasaddaha guud ee Saxaafadda Somaliland. Waxaa kaloo jiri doona tababaro kala duwan oo laga qaban doono dhamaan Gobolada dalka, kuwaas oo ay ka qayb geli doonaan ilaa 500 oo saxafi.

Mustafe Sacad Dhinbil
Gudoomiyaha SONSAF