Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka hadlay askar la ruqseeyey iyo kuwo shaqadii laga joojiyey

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeyo Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun Ayaa ka hadlay afar askari oo la eryey iyo 86 askari oo shaqada laga joojiyay kuwaas oo taliyahu ku eedeeyay in ay galeen danbiyo kala duwan.

Taliyaha ayaa sheegay in askarta shaqada laga joojiyay lagu amray in ay qoryo soo qataan loona qabtay muddo bil ah in ay qoryo ku soo qataan qaar kalena mushaharkooda laga jarayo si qoryo loogu soo iibiyo.

Sidoo kale taliyuhu wuxu sheegay in ciiddankan qayb-ka-mid ahi shaqadoodii gudan waayeen iyadoo la baafinayey shan maalmood kadibna markii dambe ay khasab noqotay in laga joojiyo shaqadii ay qaranka u hayeen.

Taliye Xudhuun oo faafaahinaya waxa uu mustaqbalka askartani noqonayo wuxu yidhi:

“86-kan askari waxanu u qabanay 30 maalmood si ay qoryohoodii u soo qaataan.”

Taliyuhu wuxu sidoo kale sheegay in 4 askari shaqadii laga eryey kadib markii ay ka been-sheegeen macluumaadyo la xidhiidha shaqadooda taas oo dambi weyn ah marka la eego sharciga ciidanka.

“Askarigii qorigiisa la yimaadaa shaqadiisa dib ayuu ugu soo noqonayaa, laakiin askari aan qori haysani noo shaqayn maayo” ayuu yidhi Taliye Xudhuun.

Taliye Xudhuun wuxu sheegay in ay u naxariisteen askartan laga dalbay in ay qoryohoodii soo qaataan laakiin ay ku habboonayd in maxkamad sharci ah la soo joojiyo.

bandhige@gmail.com