Daalibaan ayaa wakhti aad uga horaysa wakhtigii la saadaalinayey la wareegtay gacan-ku-haynta magaalada Kaabuul kadib markii uu halkaa ka baxsaday Madaxweynihii dalkaas Ashraf Gaani.
Ilaa maanta kolba qaybo ka mid ah magaalada ayay soo qabsanayeen iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah. Waxaana jira jahawareer iyo cabsi xad-dhaaf ah oo ka taagan magaallada iyo guud ahaan dalka Afgaanistaanba.
Dad badan oo halis ugu jira in ay waxyeelo ka soo gaadho Daalibaan, aan filayna guushan degdegga ah ee Daalibaan ayaa ku xaniban caasimadda.
Xoghaya Gaashaandhigga ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa Dawladdii dhacday ee Afgaanistaan ku canaanatay in ay ahaayeen dad aan u diyaar ahayn in ay dagaalamaan in kastoo ay haysteen awood aad u sarraysa oo ciidanka cirka ah iyo tabobar labaatan sanno ah oo ay ka ag dagaalamayeen. Doonitaanka dagaalka iyo hoggaaminta ayaa meesha ka maqnayd, taasina maaha wax Maraykanku wax ka qaban karayey ayuu yidhi Xoghayuhu.
Madaxweynihii Afgaanistaan ayaa baxsaday, waxaana la sheegay in uu u baxsaday dalka jaarka ah ee Tajikistan. Siyaasi weyn oo Afgaanistaan caan ka ah Cabdulla Cabdulla ayaa sheegay in baxsashada Ashraf Gaani ay tahay ta sababtay masiibada. Wuxuuna sheegay in taariikhda uu baal madaw ka gali doono Madaxweyne Ashraf Gaani laguna tilmaami doono ninkii ka baxsaday dadkiisa oo xaalad khatar ah ku sugan.
Wararka ka imanaya Kaabuul ayaa sheegay in ay Daalibaan ku dhawaaqaan Imaaraad Islaami ah isla markaana ay sheegeen in aanay cidna wax yeellaynayn isla markaana ay dariiqa u bannaynayaan ciddii doonaysa in ay isaga baxsato Kaabuul.
Daalibaan waxay sidoo kale sheegeen in ay ka hor tagayaan bililiqaysiga iyo dhibaato kasta oo ka iman kara firaaqa dhinaca awoodda ah ee ka dhashay baxsashadii Ashraf Gaani.
Dhanka kale, waxa wali socda daadguraynta shaqaalaha safaaradda Maraykanka iyo shaqaale waynaha waddamadii NATO ee Maraykanka kula jiray dagaalka Afgaanistaan.