Maxay Soomaalidu ka baran kartaa dhaqdhaqaaqa ka taagan dalka Afghanistan? (WQ: Maxamed Maxamuud Ducaale”Akram”)

Ka hor inta ayayn eegin waxa ay soomaalidu ka baran karaan dhaqdhaqaaqa ka taagan Afghanistan, aynu milicsano hada waxa ka taagan dalka Afghanistan.

Kooxda daalibaan waxa ay la wareegeen badi dalka Afghanistan, ilaa hada waxa ay la wareegeen 90% dalka, waxa ay afarta dhinacba ka taagan yihiin caasimada dalkaas ee kabul, hada, dhaqdhaqii way hakiyeen, iyaga oo doonaya in ay si nabad  ah ku galaan caasimada Kabul ee Afghanistan, si ay u ilaaliyaan nafta iyo hantida mawaadiniinta.

Waxa aynu ka wada dharagsan nahay in soomaaliya ay xaaladeeda amni aanay fadhin, oo kooxo hubaysan iyo dawladu ay had iyo jeer dagaalo dhex maraan.

Hadaba Soomaalidu, xaalada Afghanistan waxa ay ka baran karaan si dalka nabad luugu soo dabaalo qodobadan hoos ku xusan:

1-in ciidamada nabadgaliyada Amison dalka laga saaro, si ay dawlada iyo kooxaha hubaysan ee soomaliya ka dagaalama iskaga hor yimaadaan, markaa waxa la garan doonaa cadawga dhabtaa ay soomaaliya leedahay, si markaa loo waajoho, hore ayaa loo yidhi: lafo maroodi iyaga ayaa la isku jabiyaa, ninka roona reerka ha usoo hadho.

2.in xakuumada soomaaliya ay wada hadal la furto dhamaan kooxaha ka dagaalama soomaaliya,laguna dadaalo in wada hadal lagu soo dabaalo kulanka.

3.soomaaliya xasiloonideedu waxa ay ku xidhan tahay shacabkeeda oo isku tashada, oo iska dul qaada hareeryada gumaysiga amison ee qarsoon.

4.soomaliya waxa ay u baahan tahay tashi qaran oo dhamaan qaybaha kala duwan ee shacabku ka tashadaan aayahooda siyaasadeed, maxaa yeelay 40kii sano ee igu danbeeyay xaalada dalku may fadhin.

5.in amniga dalka gudo iyo dibadba lagu wareejiyo ciidamada qalabka sida ee kala duwan.

6.in kor loo qaado ciidamada dambi baadhista iyo sir doonka.

7.in heshiis waara laga gaadho colaadaha ka aloosan qabaa’ilka dhexdooda, oo shacabka la mideeyo, si xasiloonidu usoo laabato.

8.in dib loo nooleeyo wadaniyada iyo dal jacaylka.

9.in baadhis gun dheer  lagu sameeyo xaga dhibta ka taagan tahay dalkuna ka dagi la yahay, ka dibna marka ay cadaato gacan bir ah lagu qabto.

🛑Ciidamada daalibaan, waan hambalyaynayaa waxa aanan kula dardaarmayaa Alle ka cabsi iyo  in marka ay dalka qabsadaan aanay xukunka isku qabsan oo sida ugu dhakhsaha badan wadanka madaxwayne ku maal gaadh ah ugu magacaabaan oo daalibaan kasoo jeeda.

🛑Soomaaliyana waxa aan leeyahay maalin kaste dhiig daata xal maaha, ee baraaruga oo hurdada ka kaca.

✍️Qalinkii: Maxamed Maxamuud Ducaale(Akram)

August 2021, Hargaysa.