Daalibaan waxay dooratay hoggaamiye cusub

Kooxda Daalibaan ee dalka Afqaanistaan ayaa waxay shaaciyey in u doorteeen hoggaamiye cusub Mawlawi Haibatullah Akhundzada kadib markii hoggaamiyihii hore lagu dilay weerar, ninkaas oo lagu magacaabi jiray Mullah Akhtar Mansoor.

Bayaan lagu qoray luuqadda Pashto oo kooxda ay baahisay maanta ayay sidoo kale si rasmi ah ugu qirtay in Mansoor lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aan cidna wadin oo Maraykanka uu leeyahay.

Bayaankan ayaa waxa u dhignaa sida tan:

“Mawlawi Haibatullah Akhundzada ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha cusub ee Taliban kadib markii ay si buuxda isugu raaceen golaha shuurada ee kooxda.”

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Isniintii xaqiijiyey in Mansoor la dilay, sababta oo ah waxa uu caqabad ku ahaa hanaanka nabadda iyo dib u heshiisiinta Afqaanistaan.

Hoggaamiyaha cusub ee Daalibaan ayaa waxa uu hore uu ahaa ku-xigeen Mansoor isaga iyo Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda Haqqani.

Haqqani ayaa xilkiisa sii hayn doono, halka wiilka aas-aasihii kooxda, Mullah Yaqoob, loo magacaabay in uu noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha cusub.

bandhige@gmail.com