Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya waxa uu ku dhawaaqay in uu sharaxan yahay agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya horena u soo noqday wasiirkii caafimaadka Tedros Adhanom, ayaa noqday hoggamiyihii ugu horeeyay ee Afrikaan ah iyo murashaxa kaliya ee u taagan jagada agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), oo lagu dooran doon shirka Hay’adda ee sannadkan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa waxay Qaramada Midoobay  QM aasaastey sannadkii 1945-kii, oo haatan laga joogo 70 sannadood. Balse WHO waligeed mayeelan hoggaamiye kasoo jeeda qaarada Afrika, waxaana hadda isu soo taagey jagadaas Tedros Adhanom.

Tedros ma dhaliilsano waxqabadkii hoggaamiyeyaashii ka horeeyey, hasa-ahaatee waxa uu sheegay in arrimaha Caafimaadka Adduunka lagu eegayey fakarka waddamada horumarey oo aan sidaas u ballaadhneyn, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Sida aad ogtahay Afrika iyo dalal badan oo dunida soo koreysa kamid ah ayaa culeyska ugu badan uu kudhacaa, walina nalama siin fursad ah in xaaladda caafimaadka adduunka lagu arko indhaha Afrika iyo dunidan soo koreysa ee iyagu og waxa u asalka ah caafimaad darada ay la kulmaan.”

Tedrose Adhanom ayaa gaashaanka u daruurey arragtida ah in uu magacaabistan ku doonayo maadama uu u arko in ay tahay wakhtigii ay xilka qabab lahaayeen Afrikaanku jagada u qaban lahaa hay-adan Qaramada Midoobay uqaabilsan caafimaadka.

Waxaase uu intaas ku darey in Afrikaanimadiisu ay faa-iido utahay howsha WHO laga doonayo.

Tedros waxa uu leeyahay khibrad aad u sarreysa. Waa Cilmi-Baadhe sare oo dhanka mallaariyada, caalamkana laga aqoonsan yahay, ka horna intii aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya sannadkii 2012-kii, waxa uu ahaa Wasiirka caafimaadka ee dalkaas oo loo magacaabay 2005.

bandhige@gmail.com