Dabaal-degga 18-ka May ee 32-guurradda JSL Oo Si Weyn Uga Socota Caasimadda iyo Goboladda Dalka .

Xuska sanad guuradda 32-aad ee a soo noqoshadda qaranimadda JSL ayaa maanta si weyn looga xusay guud ahaanba dalkoo dhan.

Dabaal deggga ugu weyn ayaa ka qabsoomay caasimadda Hargaysa, halkaa madaxweynaha qaranka, iyo madaxweyne ku-xigeenka, iyo xubnno ka mida golaha wasiirrada, iyo wufuud heer calami ah waxay fagaaraha loogu tallo galay salaan sharaf kaga qaateen qaybaha kala duwan ee ciidamadda qaranka.

Xafladda waxaa lagu soo casuumay madaxda ka kala socotay dawladaha Somaliland saaxiibka la ah, oo metelayeen safiirro, wakiilo, iyo masuuliyiin kale, dalalkaasi waxaa ka mid ah Taiwan, oo saaxiibka ugu weyn ee Somaliland, Imaaraadka Carabta, Ethiopia, Kenya,Jabuuti iyo dalal kale.

Jidka hor marra madaxtooyadda Somaliland oo ah goobta uu madaxweynuhu salaanta ku qaatay waxaa iyagoo calanka qaranka ku lebisan soo maray qaybaha kala duwan ee shaqaalaha, iyo masuuliyiinta degmooyinka.

Degmooyinka caasimadda Hargaysa, shaqaalaha wasaarradaha, iyo haayadadah dawladda, shaqaalaha rayidka ah, iskaashatooyinka gaadiidka ee kala duwan, ardayda wax ka barata dugsiyadda dawladda, iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waxa kaloo halkaas socod ku soo maray shaqaalaha muruq-maalka ajaanibka ah ee Somaliland ku nool, ama ka shaqaysta, oo ka soo kala jeedda wadamadda kala gedisa, kuwaasoo dhamaantood ba ku lebisnaa calanka jamhuuriyadda Somaliland.

Shaqaalaha ajaanibka ah ayaa isugu jiray macalimiin Somaliland ka shaqaysta, kuwaasoo ay si eeyn uga dhex muuqdeen jaaliyadda dalka Pakistan.

Sidoo kale goobta uu madaxweynuhu salaanta ku qaadanayay waxaa socod gaardis ah ku soo maray qaybaha kala duwan ee ciidamadda milateriga, booliska, asluubta, dab-demiska, ilaaladda xeebaha, iyo saraakiishoodda.

Waxaa na weli socota xafladda xuska dabaal dega 32-guuradda ka soo wareegtay maalinta la soo noqoshadda qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, iyadoo la filayo inuu mar dhaw halkaas khudbadii loogu tallo galay uu shacabka u jeediyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Geesta kale xaflado kale oo aad u waaweyn oo lagu xusayo maalinta qaranimadda Somaliland ayaa ka soconaya guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka dalka, gaar ahaana magaalooyinka waaweyn sida Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Oodweyne, iyo qaar kale.

Waxaana munaasibadahaasi dadweynaha goboladda iyo degmooyinka dalka kala qayb gelaya xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland, badhasaabyadda goboladda, maayarrada magaalooyinka, iyo masuuliyiin kale

 

Bandhige@gmail.com.