Dablay hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa guddaha magaalada Laas-caanood waxa ay Weerar qorsheysan dhaawacyo kala duwan ugu geysteen saddex Qof oo shacab ah isla markaasina ay laba yihiin rag halka ay midina tahay haween waxaana xusid mudan in haweeynaydani ku dhaawacantay weerarkani ay ku dhacday xabad seeraaro ah.
Weerarkani qorsheysan ee kooxdani dablayda ahi dhaawacyada ugu geysteen saddexdani qof ee shacabka ah ayaa ka dhacay guddaha magaaladaasi, sidoo kalana kooxdani geystay dhaawacyadani ayaa goobtii uu weerarkaasi ka dhacay ka baxsaday.
Ciidamadanka Nabad-gelyada Booliska ee Gobolkaasi Sool ayaa heegan Culus la galiyey sidii ay uga hawl gali lahaayeen soo qabashada dablaydani hubaysan ee falkani ka soo horjeeda amniga ka geystay guddaha magaalada Laascaanood, iyadoona ilaa caawa ay magaaladaasi waddooyinkeeda ay ka socdeen hawlgalo lagu baadhayo gaadiidka kala duwan ee ka dhex adeega guddaha magaaladaasi.
Saddexdani qof ee la dhaawacay ayaa waxa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa cisbitaalka guud ee magaaladaasi Laas-caanood.
Ugu dambayntii falkani ayaa ah mid khatar weyn ku ah amniga magaalada Laas-caanood, waxaana si weyn isha ugu hayaan bulshada gobolkaasi Sool qabashada dablaydani aan haybtooda la aqoonsan.
Halkan hoose k a daawo muuqaalkan warkan:
https://www.youtube.com/watch?v=UaOVDMxqIXw&feature=youtu.be
https://www.google.com/url?hl=en&q=https://www.youtube.com/watch?v%3DUaOVDMxqIXw%26feature%3Dyoutu.be&source=gmail&ust=1486091865477000&usg=AFQjCNFfdfiudQV68uARqvstU_YjLHXxDw
Xigasho: Somali News TV.