Xulka Masar ayaa noqday kii ugu horreeyay ee gaadha ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Qaramada Afrika.
Waxa uu rigoodhayaal uga badiyay xulka Burkina Faso, kadib markii ay isla dhaafi waayeen barbaro 1-1 ah.
Goolhaye Essam El Hadary ayaa gool ku laad ka qabtay Bertrand Traore, sidaasi ayayna guusha ku raacday Masar.
Masar ayaa hadda sugeysa xulka kasoo baxa ciyaarta caawa dhexmari doonta kooxaha Ghana iyo Cameroon.
Goolhaye El Hadary ayaa hadda fursad u haysta in uu dalkiisa u qaado koobkii shanaad ee tartankan ah.