Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladu waxay kulan is xog-waraysi ah la yeesheen masuuliyiinta Wasaarada Duulista

 

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, ayaa shalay yeeshay kulan is xogwaraysi ah oo ay yeedhmada  kulankaasi lahaayen Guddigaasi joogtada ah ee Golaha Wakiiladu, kulankan  oo ahaa mid Albaabadu u xidhan yihiin, ayaa lagaga wada hadlay shaqada ay Qaranka u hayso  Wasaaradu iyo wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland Iyo Somaliya ee dhinaca Hawada, kulankan markii uu soo dhammaaday, waxaa si wada jir ah Saxaafada ula hadlay,  Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ku hadlaayey afka Guddigaasi iyo Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe.

Xildhibaan Axmed oo faahfaahin ka bixinaya, wixii laga wada hadlay, ayaa waxa uu yidhi:

“Waxyaalaha aanu ka waraysanay waxaa ka mid ahaa, shaqooyinka ay u hayaan Qaranka ee ay masuulka ka yihiin, dhinacyo badan ayaanu wax ka waydiinay, oo waraysi kala yeelanay, qaarkoodna ay tahay in aanu saxaafada u bandhigno, qaarkoodna aanan u bandhigayn, runtii wakhti dheer ayaanu isla qaadanay, oo dood dheeri na dhex martay, oo ku saabsan  Madaarada iyo sida ay u shaqeeyaan guud ahaan wadanka, iyo xaaladahooda iyo arimo farabadan ayaanu iska waraysnay, suaalo badan ayey Xildhibaanadu ka weydiiyen, iyaguna suaalahaas ayey ka jawaaben Wasiiradu, wanaanu u mahad naqaynaa anaga ayaana u  yeedhnay.”

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Adan oo faahfaahin ka bixiyey   ujeedka kulankan ayaa yidhi:

“Waayaha iyo duruufaha ku xeeran Wasaarada aan gadhwadeenka  ka ahay aniga iyo Wasiirudawluhu, waxyaalo badan ayaanu ka wada hadalnay runtii oo Wasaarada ku taxaluqa, Shaqadeeda, Madaarada, Hawlaha Hawada Sare Somalilad, iyo dabcan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ka dhaxeeyay ee Hawada sare, Arimaha Mustaqbalka dhaw soo socda ee ay ku talo jirto Xukuumadu ee ay doonayso in ay wax kaga qabato, in aynu la macaamilno aduunka, oo aynu noqono Dal u furan, waxyaalahaas oo dhan waanu ka wada hadalnay, runtii faham wanaagsan banu ka gaadhnay, oo xogwaraysi ah, wanaan uga mahad celinayaa runtii sida qiimaha leh ee milgaha leh, aqoontu ku dheehnayad ee aanu isu xogogaal waraysanay.”

bandhige@gmail.com