Dacwad ooge shaqada laga eryay markii uu taleefoonka ka qaban waayay Trump

 

Dacwad ooge sare oo heer federaal ka soo shaqeeyay magaalada New York ayaa shaaciyay in Trump uu shaqada ka caydhiyey kadib markii uu uu Madaxweynuhu wakhtiyo kala duwan taleefoon aan caadi ahayn kula soo xirdhiidhay isaga.

Preet Bharara ayaa warbaahinta ABC News u sheegay todobaadkan in uu dareemay in talefannadii Trump ay ka soo tallaabeen xayndaabkii caadiga ahaa ee u dhaxeeyay masuuliyiinta sare iyo dambibaareyaasha madaxa bannaan.

Bharara ayaa sheegay in shaqada laga eryay ka dib markii uu diiday in uu markii saddexaad taleefan ka qabto madaxweynaha.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanku durba kama uusan jawaabin eedayntaas.

Bharara oo uu magacaabay madaxweyne Obama ayaa sheegay in ay u muuqatay in madaxweyne Trump uu rabay in uu xidhiidh la samaysto ka dib markii ay kulmeen dhammaadkii sannadkii 2016-kii.

Laakiin wuxuu sheegay in uu dareemay in aysan “habboonayn” kadib markii uu madaxweynuhu xilka la wareegay.

Bharar oo ka hadlay muddadii uu xilka hayey ayaa waxa uu yidhi:

“Toddobo sanno iyo badh aan shaqadaas hayay marna ima soo wicin Madaxweyne Obama”

bandhige@gmail.com