Garyaqaanka Guud wuxu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Ururka Qareenada oo uu kaga hadlayay Guddida Culimada ee dhowaan Madaxweynuhu magacaabay

Garyaqaanka guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal oo la hadlay saxaafadda ayaa yidhi:

“Hadalkaygu wuxuu daaran yahay in aan ka jawaabo hadal uu warbaahinta ku qoray guddoomiyaha ururka qareenada oo uu kaga hadlayay guddida culimada oo uu sheegay in qaabka loo maamulay ay tahay qaab sharci daro ah oo aan dastuurka waafaqsanayn.”

Sidoo hadalkiisa sii watana waxa u yidhi:

“Marka ugu horaysa waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanay jirin haba yaraatee wax guddi ah oo uu madaxwaynuhu magacaabay, madaxwaynuhu waxa uu magacaabaa waxay ku soo baxaan faafin khaasa anaa ah gar-yaqaankii guud ee qaranka , anaa ka masuula faafinta rasmiga ah, guddi madaxwaynuhu magacaabay haba yaraatee ma jiraan, guddi la magaacabay oo aanay saxaafaddu ogayna ma jirto  madaxwaynuhu waxa uu sameeyay guddi usoo xusha culimada una gudbisa golaha guurtida sida uu dhigaayo qodobka 119  ee dastuurku waxa uu odhanayaa guddida culimada waxa xulaya xubno ka kooban xukuumadda iyo golaha guurtida oo tiro isleeg ah.”

Wuxu hadalkiisa ku soo geba gebeeyey:

“Golaha guurtida ayaana iska leh ansixinta madaxwaynuhu waxa uu xulay xubno ka kooban laba wasiir iyo laba xildhibaan isagoo raacaya qodobka 119 ee dastuurka Jamhuuriyadda somaliland, madaxwaynuhu cida uu magacaabaa waa cid kusoo baxda saxaafada madaxtooyada wax qarsoona maaha”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com