Dad bukaan ah oo ku go’doonsanaa Suuriya oo laga saaray

Qaramada Midoobay ayaa billowday in ay 500 oo ruux ka daad gurayso magaalooyin haatan ciimada mucaaridka iyo xoogaga Ruushka iyo dawladdu dagaalka ka wadaan.

Dadkani waxaa laga daadgureynayaa afar magaalo oo ay ishor fadhiyaan ciidammada dowladda iyo kuwa mucaaridku.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadkaas qaarkood ay u baahan yihiin adeeg caafimaad oo degdeg ah.

Magaalooyinka Zabadani iyo Madaya waxaa xidhay xoogag gacan saar la leh dawladda.

Sidoo kale Al-Fooca iyo Kafriya oo ku yaalla gobolka Idlib ayaa waxaa ku hareereysan kooxo fallaago Islaamiyiin ah.

bandhige@gmail.com