Turkiga: Nuxurka qodobo ka soo baxay kulan ay yeeshay laba wefti oo ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya

Kulankii u socday aqoonyahano ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa uu ku qabsoomay Turkiga kaas oo la soo gunaanaday shalay.

Kulankan oo socday laba maalmood waxa dadka ka qayb galay kala hoggaaminayay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ah la taliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iyo Yuusuf Garaad Cumar, waxaana laga soo saaray afar qodob oo aan saxaafadda loo soo ban-dhigin balse uu Wargeyska Geeska Afrika helay, waxaana qodobadan ka muuqda in dib loo furo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka galay.

Afarta qodobย  waxay u dhignaayeen sidan:

  1. in mar labaad la sii wado wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya
  2. In tababaroย iyo shirar lagaga wada hadlayo dadka Soomaalida ah guud ahaantood iyo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo shirkan lagaga hadlay la sii wado.
  3. In hayโ€™adda ?hsan Do?ramac? Peace Foundation ay hoggaamiso doodaha ku saabsan khilaafaadka Somaliland iyo Soomaaliya. Waaย  urur madaxbanaan oo Turki ah kana shaqeeya cilmi baadhista iyo Dimuqraaiyada
  4. In si dhakhso ah la isugu yimaado shirkan shirka xiga.

Kulanka u dhexeeyay aqoonyahanka oo shalay loo wareejiyay magaalada Ankara,ย  ayaa waxa ka soo baxay afartaas qodob mana muuqato in ayย  Somaliland ku guulaystay mid ka mid ah qodobadii ay in badan ku doodi jiray ee ahaa in wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay dawladdo kale ka qayb galaan, waxaana la aaminsan yahay in Turkiga iyo Soomaaliya ay diidan yihiin qodobkan oo ka mid ahaa shuruudihii ay Somaliland wada-hadalka kaga baxday.

Geesta kale, waxa iyaguna dalka Turkiga jooga Wasiirada Arrimaha Dibedda Somaliland Sacad Cali shire iyo Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, waxaana sidoo kale isna dalkaas Turkiga jooga Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa, warar aan la xaqiijinaya waxay sheegayaan in ay kulan yeesheen Salaasadii.

Somaliland ayaa waxa wada-hadalo aan wali midho dhal yeelan la gashay dawladda Federaalka Soomaaliya oo inta badan jebisa heshiisyada ka soo baxa wada-hadalada, inkasta oo aan wada-hadalad marnabada qodobada lagaga wada-hadlayo aan lagu soo darin gooni isu-gaaga Somaliland, balse waxay dadka ka faalooda arrimaha siyaasada Somaliland iyo Soomaaliya ku doodaan in ay wada-hadaladu u egyihiin qaar gacmo daalin ah.

Dhanka Turkiga ayaa waxa uu danno siyaasadeed oo weyn ka leeyihiin dawladda Federaalka Soomaaliya oo aaminsan in aanay Somaliland ka go’in.

Guud ahaan khubarada ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa waxay Somaliland ku tilmaameen mid ka huruda arrimaha siyaasada adduunka iyo tan qaaradda Afrikaba, taasi oo tusaale u soo qaataan wefti Masaari ah oo dhowaan soo booqday Somaliland kuwaas oo warbixin ay soo ku daabaceen bogeeda ku sheegeen in ay booqdeen gobol ka mid ah Soomaaliya.

Dhanka kale booqashada weftigan ayaa timid kadib markii Somaliland iyo Itoobiya ay wada-galeen heshiish ganacsi oo ahaaย isticmaalka dekedda Berbera. Heshiiskan ayaa waxay dad badani ku eedeeyey in weftigan Masar yimaado Somaliland.

Hore ayaa waxay wefti Somaliland ahi booqasho ku tageen dalka Masar sannadkii 2013-kii, markii uu weftigaasi soo dhamaystay booqashadii Masar ayaa waxay soo mareen dalka Itoobiya oo xidhiidh qoto dheer oo mid siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ka dhaxeeyo Somaliland.

Masar iyo Itoobiya ayaa in badan ku loolamayeen arrimaha webiga Niilka, kaasi oo ay Masar dana siyaasadda ay ka leedahay Soomaaliya ku salaysan yahay kan Niilka ah.

 

Xigasho: Waaheen.

bandhige@gmaill.com