Fanaaniin, weriyeyaal iyo dad abdan oo dunida caan ka ah ayaa toddobaadkan ku soo biiray olole qaadhaan loogu ururinayo abaar xun oo ka jirta dhulka Soomaalida taas oo laga cabsi qabo in ay macaluul isu rogto kadibna ay ku le’daan dad tiro badan sidii dhacday 2011-kii.
Ashkhaasta ololahan ku soo biirtay waxa ka mid ah Jeroma Jarre oo ah suxufi caan ah oo faransiis ah isaga oo isticmaalay haash-taagga #TurkishAirlinesHelpSomalia oo macnaheedu tahay shirkadda diyaaradaha Turkiga, caawi Soomaalida.
Waxa iyaguna ku soo biiray Ben Still oo jilaa ah, Juanpa Zurita oo suxufi ah, Casey Neistat oo filim-sameeye ah iyo Colin Kaepernick oo ciyaartoy ah.
Qaramada Midoobay ayaa bishii ugu dambaysay sheegtay in haddii aan gurmad laga gelin abaaharaha saameeyey Soomaalida ay 6 milyan oo qof silic ku sugnaanayaan iyadoo 3 milyan oo ka mid ahna naftooda loo baqayo.
Dadka reer Somaliland ayaa dedaal adag ka galay gurmadka abaaraha, waxaase hadda jirta walaac laga qabo lacagta dunidu ku soo ururiso magaca Soomaalida in loogu deeqo dadka Soomaaliya ku tabaallaysan oo kali ah iyadoo la il-duufayo dadka dhiggooda ah ee Somaliland ku tabaalaysan.
Bandhige@gmail.com