Dagaal-yahannada Xizbullah oo Gantaallo ku Weerartay Israel

Dagaal-yahanada Xizbullah ayaa Arbacada maanta ah gantaallo ku weeraray Israel, ayaga oo sidoo kale sheegay inay fashiliyeen duullaan dhulka ah maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ka digay in Lubnaan ay wajihi karto burbur la mid ah midka Gaza.

Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu Arbacada maanta ah kala hadlo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden jawaabtii ay Israel ka bixin laheyd weerarkii gantaallada ee Iran ee asbuucii hore, sida ay ku warrantay warbaahinta Axios ee Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah.

Xizbullah ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen laba isku day oo ay Israel ku doonaysay in ay ku soo jebiso xuduudda, iyada oo adeegsatay gantaallada riddada dheer iyo in ay dagaal dhulka ah la gashay askarta Israel. Israel waxay sheegtay in difaaceeda cirka ay ka hortageen laba gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan, ayada oo sayrinka digniinta laga maqlay aagga Caesarea, ee koonfurta Haifa.

Talaadadii, milatariga wuxuu sheegay in Xizbullah ay 180 gantaal ku soo rideen Israel, gaar ahaan agagaarka Haifa, iyadoo Israel ay kordhisay duullaanka dhulka ee ay ka waddo xeebta koonfureed ee Lubnaan. Digniinta culus ee Netanyahu ayaa timid sanad iyo maalin kadib markii Israel ay billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Xamas ee ay xulufada yihiin Xizbullah.

“Waxaad haysataa fursad aad ku badbaadiso Lubnaan ka hor inta aysan ku dhicin godka dagaal dheer oo horseedi doona burbur iyo silic la mid ah midka aan ku aragno Gaza,” ayuu ku yidhi khudbad muuqaal ah. “Waxaan idin leeyahay dadka reer Lubnaanow, dalkiinna ka xoreeya Xizbullah si dagaalkan loo soo afjaro,” ayuu yidhi.

Iyadoo Israel ay Xamas kula dagaalameyso Gaza, waxa ay sidoo kale dooneysaa in ay sugto xuduudda waqooyi si ay ugu ogolaato tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah oo ku barakacay dagaalka xuduudda inay ku soo laabtaan guryahooda.

Xamas iyo Xizbullah ayaa labadaba wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradooda, iyadoo ku xigeenka hogaamiyaha Xizbullah Naciim Qasem uu Talaadadii sheegay in kooxdu ay mid aan suurta-gal aheyn ka dhigi doonto in Israa’iiliyiinta ay ku soo laabtaan woqooyiga.

Israel ayaa xoojisay duqeymaha ka dhanka ah meelaha ay ku xoogan yihiin Xizbullah ee Lubnaan tan iyo 23-kii September, taasi oo horseeday dhimashada 1,150 qof, kuna qasabtay in ka badna milyan in ay qaxaan. Inta badan weeraradeeda ayaa lagu bartilmaameedsaday koonfurta iyo bariga Lubnaan, iyo sidoo kale koonfurta Beirut.

Milatariga Israel ayaa sheegay Talaadadii in ay ballaarinayaan weerarkooda. Xizbullah ayaa sheegtay in ay dib u celisay ciidamada Israel oo “ka soo galay gadaasha” meel ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee tuulada Labboune ee koonfurta xuduudda.

Ku xigeenka hogaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay in inkasta oo Israel ay duqaymo “xanuun leh” ku garaacday, haddana hoggaanka kooxdu uu nidaamsan yahay, awooddooda ciidanna ay “wanaagsan tahay”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com