Putin iyo madaxweynaha Iran oo Jimcaha ku kulmi doona dalka Turkmenistan

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la kulmi doona madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian iyaga oo isugu iman doona jimcaha madasha badhtamaha Aasiya ee Turkmenistan, sida uu Isniintii sheegay kaaliyeyaasha sare ee madaxweynaha Putin.

Yury Ushakov, oo ah kaaliyaha Putin ee siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa saxafiyiinta u sheegay in hogaamiyayaasha ay ku kulmi doonaan Ashgabat, xilli ay ka qeyb galayaan munaasabad loogu dabaal degayo abwaan Turkmen ah.

“Kulankan ayaa muhiimad weyn u leh labada dhinacba, waxaan laga wada hadlayaa arrimaha laba geesoodka iyo sidoo kale, dabcan xaaladda aadka u kacsan ee Bariga Dhexe,” ayuu Ushakov sheegay.

Hogaamiyayaasha wadamada badhtamaha Asia ayaa kulmaya si ay u xusaan sanad guurada 300aad ee ka soo wareegatay dhalashadii abwaan Magtymguly Pyragy ee qarnigii 18-aad.

Ka qayb galaka Putin hore looma shaacin, laakiin Raiisel wasaaraha Ruushka Mikhail Mishustin ayaa booqasho ku tagay Iran todobaadkii hore si uu wadahadal ula yeesho Pezeshkian iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad Mohammad Reza Aref.

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Israa’iil ay si xooggan u duqaysay Lubnaan, iyada oo bar-tilmaameedsatay ururka Xisbullah ee ay Iran taageerto, Ruushka ayaa soo daad gureeyay qaar ka mid ah muwaadiniinta.

Ruushka ayaa xidhiidh dhow la leh Iran, waxaana dowladaha reer galbeedka ay Tehran ku eedeeyeen inay Moscow siisay diyaarado iyo gantaalo, taas oo ay marar badan beenisay.

Pezeshkian ayaa sidoo kale wadahadal la yeelan doonta Putin inta uu ku guda jiro booqasho uu ku tagayo Ruushka bishan si uu uga qeyb galo shir madaxeedka BRICS ee dhaqaalaha soo koraya.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com