Dagaalka Yukrayn: Maraynkanka oo ka soo horjeedsaday in diyaarado dagaal la siiyo Yukrayn

Maraykanka ayaa ku gacan-saydhay qorshe uu waday dalka Polan oo ahaa diyaaradihii wakhtigii Soofiyeetka ee loo yaqaan MiG 29 wixii ay hayaan in ay ku wareejiyeen Yukrayn si ay isaga caabiyaan diyaaradaha Ruushka ee ku kaliyeystay hawada Yukrayn. Hase ahaatee Maraykanka ayaa gaashaanka ku dhuftay, taas oo muujinaysa in xulufada NATO ay wax badan ku kala aragti duwan tahay.

Maraykanku wuxu ka hor tagayaa wax kasta oo keeni karaa in uu dagaal rasmi ahi ka dhex qarxo Ruushka oo haysta nukliyeer iyo xulufada NATO oo yaduna ka awood badan Ruushka, sidoo kalena haysta Nukliyeer. Wuxu aaminsan yahay dagaal ka dhex qarxa Ruushka iyo NATO in uu isku beddeli karo dagaal dhinaca Nukliyeerka ah, taas oo ay ka dhalan doonto masiibo aan laga soo kaban karin.

Dagaalka Yukrayn ayaa galay toddobaadkii saddexaad, iyadoo burbur mooyaane dhinacyada aanu midkoona sheegan guul muuqata. Ruushka ayaa duqaymo ba’an ku wada magaalooyin istriraatijig ah kuwaas oo uu kulaalayo muddo badan halka ciidamada iyo dadweynaha Yukrayna ay difaac adag ku jiraan.

Magaalo-madaxda Yukaryn oo la filayey in ay maalmo gudahood ugu gacan geli doonto Ruushka ayaan weli dagaalkeedu si rasmi ah u bilaamin marka kaga reebo meelo badan oo duleedka magaalada ah oo uu Ruushku la wareegay iyo duqaymo bartimaameedyo magaalada ah oo uu Ruushku gaystay.

Hase ahaatee haddii uu dagaalku muddo dheer sii socdo, waxay u badan tahay in laga itaal roono Yukrayn oo hub ahaan iyo tiro ciidan ahaanba aad uga hoosaysa Ruushka.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Bandhige kala soco dagaalka Yukrayn

Bandhige@gmail.com