Dagaalka Yukrayn: Ruushka oo la kulmay iska caabin aanu filayn

Dagaalka u dhaxeeya Yukrayn iyo Ruushka ayaa maraya maalintii afraad. Khubarada milatariga adduunka ayaa ka digayey in uu dagaalkani noqon doono kii Ciraaq iyo Kuwayt dhex maray bishii August 1990kii, kaas oo ay Ciraaq kula wareegtay gebi ahaanba waddanka Kuwayd muddo ka yar 48 saacadood.

Hase ahaatee hadda waxa soo baxaya in uu Ruushku kala kulmay ciidamada Yukrayn cadaadis iyo dib-u-dhac aanu meesha soo dhigan, kadib markii ciidamada Yukrayn ay u dagaalameen si ka adag kana dhiiran sidii laga filayey. Mooralka ciidamada Yukrayn ayaa sidoo kale la soo sheegayaa in uu weli fiican yahay.

Sirdoonka Maraykanka ayaa tibaaxaya in ciidamada Yukrayn ay awooddooda difaaca cirku ka sarrayso sidii ay reer Galbeedku saadaaliyeen iyagoo khasaare kala duwan gaadhsiiyey Ruushka, welina aanay Ruushka u soorto gelin in uu noqdo boqorka cirka Yukrayn.

Sidoo kale waxay wararku tibaaxayaa in ay Ruushka ku adkaatay isku gudbinta saannada milatariga kadib markii la jaray buundooyin muhiim ahaa isla markaana ciidamadooda, gaar ahaan kuwa cirka ka soo daatay, la kala dhex galay dhawr jeer iyo dhawr meelood.

Maraykanka oo darraad ka dalbanayey Madaxweynaha Yukrayn in uu baxsado oo uu Maraykan dego, taas oo uu Madaxweyne Zelenskyy ku gacan saydhay, ayaa hadda dhiirigelin ka helay mitidnimada ciidamada Yukrayn, wuxuuna bilaabay isaga iyo Ingiriisku in ay hub ku soo daldalaan Yukrayn, gaar ahaan hubka lagu burburiyo kaareyaasha iyo kuwa lagu soo rido diyaaradaha dagaalka.

Rajada Maraykanka iyo Reer Galbeedka ayaa ah in ay isku dayaan in ay Ruushka ku fashiliyaan dagaalka Yukrayn ama raajiyaan wakhtiga uu ku qabsan karo dalkan, si awoodda Ruushku u diciifto, si la mid ah sidii ay u diciiftay markii uu ka dagaalamay Afgaanistaan sannadihii u dhexeeyey 1979 ilaa 1989, dagaalkaas oo la aaminsan yahay in uu ahaa kii galaaftay Midowgii Soofiyeeti.

Hase ahaatee dadka aqoonta u leh awoodaha milatari iyo dhaqaale ee labada dal ayaa aaminsan si kastoo ay Yukrayniyiintu isku difaacaan aanay suurogal ahayn in ay hor joogsadaan awoodda Ruushka muddo dheer.

Dagaagaalku wuxu hadda ka socdaa magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan waxa dagaal kululi ka socdaa duleedka magaalo-madaxda Kyiv. Waxa suurogal ah in maalmaha soo socda la is dhex baacsado dariiqyada magaalo-madaxda, taas oo haddii ay dhacdo la filayo in ay yarayso rajada sii-jiritaanka nidaamka hadda ka taliya Yukrayn.

Kala soco bandhiga hadba wixii ka soo kordha dagaalka Yukrayn.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Wixii xog ah ku soo hagaaji bandhige@gmail.com