Dagaalkii Yemen oo sii socda iyadoo lagu jiro wakhtigii xabbad-joojinta

Kadib markii ay duqayn xoog badani ku socotay Yemen laga soo bilaabo bishii saddexaad ee sannadkan ayaa Sucuudigu Sabtidii ku dhawaaqay in uu hakinayo gantaalaha uu dusha kala dhaco goobaha Sucuudiga ka mid ah ee lagu arko ama lagu tuhmo Xuutiyiintii dalka ka eriday Madaxweynihii Yemen Cabdi Mansuur Haad oo hadda baxsad ku jooga Riyaad.

Xuutiyiinta ayaa iyaguna dhinacooga aqbalay xabad-joojinta kadib markii uu labada dhinacba sidaas u soo jeediyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Hase ahaatee xabbad-joojintii oo la filayey in ay hirgasho Axaddii shalay ayaan weli si rasmi ah u hirgelin kadib markii ay Sucuudigu Xuutiyiinta ku eedeeyeen in ay xabbad-joojinta ka dhiganayaan fursad ay ku dhul-ballaadhsadaan.

Xuutiyiinta ayaa iyaguna dhinacooga ku eedeeyey xulufada uu Sucuudigu hor kacayo in aanay daacad ka ahayn xabbad-joojintan.

Xabbad-joojinta ayaa looga dan lahaa in mucaawinooyinka bani’aadamnimo loo gudbiyo dadweynaha Yemen oo ay isugu biireen colaad, cudur iyo gaajo.

Xabad-joojino kuwan ka horreeyey oo ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay ayaa hore u fashilmay. Lama oga ay tanina sidii kuwii hore noqon doonaan iyo in la daba-qabatayn doono.

Akhriso war xidhiidh la leh warkan: Xulufada Carabta oo hakinaysa duqayntii ay ku hayeen Yemen

Bandhige@gmail.com