Dagaalyahanada Ruushka oo ka tagaya Burkina Faso si ay uga qayb galaan dagaalka Ukraine

Ruushka ayaa 100 ka mid ah saraakiisheeda gaarka u tababaran kala baxaya Burkina Faso si uga qayb galaan dagaalka Ukraine.

Ilaa 300 oo askari oo ka socda guutada Bear Brigade oo ka tirsan shirkad milateri oo gaar loo leeyahay oo Ruushka ah ayaa yimid waddankaa galbeedka Afrika bishii May ee sanadkan si ay u taageeraan ciidamada milatariga ee dalkaas xukuma.

Kanaalka Telegram-ka ayay kooxdu u sheegtay in ciidamadeedu ay dib ugu laaban doonaan dalkooda si ay u taageeraan difaaca Ruushka ee ka dhanka ah duullaanka Ukraine ee dhawaan lagu qaaday gobolka Kursk.

Waxaa laga cabsi qabaa in ka bixitaanku dhiiri gelin u noqon karo kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama Burkina Faso, kuwaas oo dhawaan ku dilay ilaa 300 oo qof weeraradii ugu weynaa ee sanado ah.

Burkina Faso ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii waxaa soo wajahay weerarro joogto ah oo jihaad doon ah, iyada oo in ka badan laba milyan oo qof ay ku barakaceen waxa ay kooxaha gargaarka ugu yeedhaan dhibaatada “ la dayacay ” ee adduunka, ama dhibaatooyinka aan waxba laga qaban.

Ciidamada milatariga ee uu hogaamiyo madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Capt Ibrahim Traoré, oo xukunka kula wareegay afgambi bishii Sebtembar 2022, ayaa ballan qaaday in ay soo afjari doonaan weerarada, laakiin weli halgan ayey kula jiraan, xitaa ka dib markii ay iskaashi amni oo cusub oo ay la yeeshaan Ruushka.

Iyada oo ku dhawaad kala badh dalku uu ka baxsan yahay gacanta dowladda, ayaa kooxaha jihaad doonka ah ay si isa soo taraysa u beegsanayaan dadka rayidka ah iyo cutubyada ciidamada.

Dadka ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in ilaa 300 oo qof lagu dilay Sabtidii magaalada waqooyiga ku taalla ee Barsaaloog, weerarkaas oo ay sheegteen koox hubaysan oo xidhiidh la leh al-Qaacida, Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).

Waxaa la sheegay in ay isugu jireen dad rayid ah iyo ciidamo milatari ah oo ku jiray qodista dhufeysyada loogu tala galay in ay magaalada ka difaacaan weerarada jihaad doonka ah.

Maamulka ma aanu sheegin tirada dadka lagu dilay balse wasiirka isgaadhsiinta Rimtalba Jean Emmanuel Ouedraogo ayaa weerarka ku tilmaamay mid waxashnimo ah.

100-kan xubnood oo ka tirsan cutubkan takhasuska leh ee Ruushka ayaa baxaya, saddex bilood oo keliya ka dib markii ay yimaadeen. Bixitaankooda lama filaanka ah ayaa lala xidhiidhinayaa duulaankii ugu dambeeyay ee Ukraine ay ku qaaday gobolka Kursk ee Ruushka .

Sida dalalka Mali iyo Niger, Burkina Faso waxay la dagaallamaysaa kooxo Islaami ah oo kala duwan, kuwaas oo ka hawlgala gobolkan koonfurta saxaraha ee engegan.

Saddexdan dal ee Milaterigu xukumaan ayaa samaystay Isbahaysiga Gobollada Saaxil, iyaga oo xidhiidhka u jaray dalka Faransiiska oo hore u gumaysan jiray, waxaana ay la saaxiibeen Ruushka taas beddelkeeda, waxa ay iibsadeen hub, waxana ay u daabuleen dagaalyahanno ka tirsan kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner Group oo hadda loo yaqaanno African Corps.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha hubaysan ayaa sare u qaaday weeraradooda, gaar ahaan Burkina Faso, in kasta oo ay aad u qorteen Mutadawiciinta Isbahaysiga ee Difaaca Dalka Hooyo, oo ah maleeshiyo is-difaac ah.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com