Dalalka reer Galbeedku waxay isha ku hayaa doorashada Somaliland iyo fariinta ay Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhsiiyeen

 

Wadamada reer Yurub iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda doorashada madaxtooyada Somaliland ee qabsoomaysa November 2017, waxaanay dalalkani rajo weyn ka qabaan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda.

Wadamadan oo kala ah Ingiriiska, Maraykanka Denmark, ururka Midowga Yurub iyo dalal kale ayaa waxay muddooyinkan u dambeeyay wufuud heer safiir ah u soo direen magaalada Hargeysa, iyagoo dhammaantood siday farriin nuxurkeedu yahay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto, waxaanay aaminsanyihiin in doorashada oo wakhtigan loo qabtay ku qabsoontaa ay soo celin karto kalsoonidii beesha caalamku ku qabtay nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Safiiradan oo madaxweyne Siilaanyo la sheegay kulamo gooni gooni ah ayaa waxay sidoo kale madaxweynaha u sheegeen inay eegayaan qaabka ay doorashadaasi u dhacdo iyo weliba inay noqoto mid xor iyo xalaal ah oo xisbiyadu u tartamaan si xor ah. Safiirka Ingiriiska oo maalmo ka hor ka dhoofay caasimada Hargeysa ayaa sheegay inuu madaxweynaha soo gaadhsiiyay farriin ah in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto islamarkaana noqoto mid xor ah oo ay xisbiyaduna u tartamaan si xalaal ah.

Safiirka Denmark u qaabilsan Kenya iyo Soomaalida danjire Mette Knudsen oo badhtamihii bishan  safar ku timid magaalada Hargeysa, ayaa qoraal ay safaaradu soo saartay waxa ay iyadoo doorashada ka hadlaysa ay ku ku tidhi “Waxa ay marag run ah u noqon doonaan horumarka dimuqraadiyadda Somaliland.”

Danjiraha Ingiriiska ee Somaliland iyo Somaliya David Concar oo isna toddobaadkan dhammaaday socdaal ku yimid Hargeysa, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Somaliland gaadhsiiyay farriintan, isagoo arrintaasi ka hadlayan waxa uu yidhi:,

“Waxaan u sheegay madaxweynaha haddii Somaliland ku guulaysato doorashooyinkaas in taasi noqonayso fursad aad u muhiim ah oo soo jiidan karta indhaha beesha caalamka islamarkaana dardar gelin karta in caalamku bixiyo dhaqaale dheeraad ah oo lagu maalgelinayo dhismaha Somaliland.” 

Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata in dalalka reer galbeedku indhaha si gaar ah ugu hayaan doorashadan madaxtooyada, iyagoo aaminsan in doorashada oo jawi wanaagsan ku qabsoontaa ay Somaliland u furi doonto albaabo aan hadda furnayn iyo weliba in dib lsoo celin karo wada hadalada istaagay ee Somaliland iyo Somaliya.

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com