Waxa maanta Turkiga ka bilaabmaysa Maxkamadeynta dad loo haysto afgembigii fashilmay

 

Waddanka Turkiga waxa maanta ka billaabanaysa maxkamadeyn dad loo haysto afgembigii fashilay ee sannadkii hore ka dhacay. Dadka maanta maxkamadayntu u bilaabmayso ayaa waxay ka badan yihiin 480 qof oo lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen afgembigaasi.

Shakhsiga sida weyn loogu tuhmayo afgembigaasi ayaa ah waddaadka fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ee Fatxullah Gulen oo dawladda ay ku eedeysay in uu soo maleegay inqilaabkaasi fashilmay, eedeymahaasi oo uu waddaadku beeniyay.

Dacwadda maanta ayaa diiradda lagu saarayaa wixii ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Akinci ee magaalada Ankara.

Diyaaradaha dagaalka ee bambooyinka ku duqeeyay baarlamaanka dalkaasi ayaa ka soo duulay saldhiggan, waxaana la qafaashay taliyaha ugu sarreeya ciidamada iyo taliyeyaal kale.

Dawladda Turkiga ayaa rumeysan in saldhiggan ciidamada cirka ee Akinci uu ahaa halka laga xukumayay inqilaabkaasi fashilmay ee sannadkii hore.

486 qof ayay khuseysaa dacwaddan maanta billaabaneysa.

Toddobo ka mid ah dadka eedeysaneyaasha ah ayaan meelna lagu sheegi karin, waxaana ka mid ah Fatxullah Gulen oo ah ninka aadka loogu tuhunsan yahay iyo sidoo kale Adil Oksuz oo ka tirsanaan jiray ciidamada cirka isla markaana la rumeysan yahay in uu ahaa hoggaamiyihii inqilaabkaasi.

Eedeysaneyaashani ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin ku xadgudub dastuur, isku day dil ka dhan ah madaxweynaha, isku day in ay tirtiraan dawladda Turkiga iyo in ay maamulaan hay’ad argagixiso oo hubeysan.

40 ka mid ah eedeysaneyaashani ayaa haddii lagu helo eedeymahani waxa ay wajahayaan xabsi daa’in.

bandhige@gmail.com