Dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimuqraaddiyadda ayaa walaac ka muuiiyay dib u dhaca doorashooyinka

Warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen Qaramada Midoobay, Urur gobolleedka IGAD, Midawga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka, Jarmalka Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Netherlands, Finland, France, Italy, Greece iyo Switzerland ayaa lagu sheegay walaaca ay qabaan dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimuqraaddiyadda ee ku saabsan dib u dhaca doorashooyinka. Waxa qoraalka lagu maagay majaraha ay haysato dimuqraadiyadda Somaliland gaar ahaana doorashooyinka, xadhigga iyo xorriyatul qawlka.

Waddamadan Somaliland taageera ayaa sheegay in ay ku baaqayaan in lagu soo noqdo xayndaabka heshiiskii xisbiyada Somaliland wada gaadheen bishii Julay ee sanadkan oo beesha caalamkuna ku dhex joogtay kaas oo ahaa in farsamo ahaan iyo siyaasad ahaan sida ugu suuro galsan loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka inta lagu gudo jiro sanadka 2020.

Waxa ay sheegeen in dhacdooyinka dhacay ee heshiiskan dhaawacaya yihiin kuwo waxyeelaya sumcadda Somaliland ee dhanka dimuqraaddiyadda iyo taageerada beesha caalamka ee Somaliland.

Waxa ay walaac weyn ka muujiyeen xadhigga sii kordhaya iyo xaddidida xorriyatul qawlka ee Somaliland.

“Waxa aanu si gaar ah uga walaacsan nahay go’aanka muddo kordhineed ee Guurtidu muddo xileedka ugu kordhisay golaha Wakiillada ilaa January 2022 iyo guurtida oo ilaa January 2023 ah. Labadan goleba waxa loo aasaasay in ay metelaan bulshada Somaliland, waxay fadhiyaan wakhti aad uga badan heerarka dimuqraadiyadda. goleyaasha degaanku waxay fadhiyaan ilaa April 2019 iyaga oo aan haysan ogolaansho dimuqraadiyadeed (wakhtiga oo ka dhammaaday muddo kordhinna aan loo samayn,” sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka beesha caalamka.

Waxa ay beesha caalamku ugu baaqday xukumadda Somaliland iyo dhinacyada doorashadu khusayso in ay sameeyaan xal wada jir ah, isu tanaasul iyo heshiis ay doorasho ku qabsoonto iyada oo aan dib uga dhicin wakhtigeeda 2020, iyada oo aad is waafajinaysaan qawlkiina iyo camalkiina ayay beesha caalamku tidhi.

“Sidii aanu wakhtiga dheer ee 25-kii sanno ee u dambeeyay ahba u soo taageeraynay horumarka Somaliland, waxaanu ammaanayna dadaallada dhexdhexaadineed ee maxalliga ah ee socda, waxa aanu hoosta ka xariiqayna in aanu taageerayno hannaanka doorashooyinka oo kobcinaya hab siyaasadeed loo dhan yahay iyo sharciga oo si buuxda loo raaco, nidaam ay aasaas adag u tahay Komishan doorasho oo haysta aamminaadda dhammaan jileyaasha siyaasadda,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka beesha caalamka.

“Kaliya hay’ado xooggan oo si dimuqraaddi ah loo doortay ayaa keeni kara horumarka bulshada Somaliland xaq u leedahay. Sida oo kale taas weeye waxa bahwadaagta beesha caalamku ka rajaynayso iskaashiga Somaliland,” ayaa lagu soo gabogabeeyay hadalka beesha caalamka.

Source Ilaysnews.