Kaalinta siyaasadda Madax-dhaqameedka Somaalida iyo heerarkii ay soo martay (WQ: Rashiid Odowaa)

Maqaalkan waxaynu kaga hadli doonaa taariikhda madax dhaqamedka, waayihii ay soo mareen iyo doorka ay ku lahaayeen siyaasadda Somaliland xilligii Gumaysiga, xilligii xukuumaddii kacaanka,xilligii dagaallada iyo xilligan Somaliland,iyo saamaynta ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda khasaare iyo faa’iido labadaba.

Markii Ingriisku soo galay qaaradda Afrika,waddamada qaarkood waxa uu ku galay xoog sida Nayjeria oo kale waxa la dilay in ka badan 150,000 oo qof oo reer Nayjeria ah ka dibna xoog ayuu ku qabsaday,hase ahaatee waddamada qaarkood Ingriisku waxa uu la galay heshiis sida Somaliland oo kale waxa ay boqortooyadii Ingriisku la gashay heshiis Odayaashii markaas madax dhaqameedka u ahaa Somaliland,ingriisku waxa uu ahaa Gumaystaha ugu xariifsan (Rabble rouser) waxa uu ku maamuli jiray hab farsamo oo Suldaamada iyo madaxda reeraha ayuu xukunka u dhiibi jiray.

Sidaas ayay Salaadiinta iyo madax dhaqamedku ay ahaayeen kuwa wax la weydiiyo ee ingriisku kala xidhiidho arrimaha beelaha,sidaas darteed waxay lahaayeen awood badan iyo maamuus,hase ahaattee markii la soo gaadhay wakhtigii gobanimada 1960kii xaaladdii way is beddeshay oo doorkii madax dhaqamedku wuu sii yaraaday,waayo waxa midoobay oo isku   darsamay Somaliland iyo Somalia oo aan isku hab maamul ahayn oo dhinaca Somalia waxa gumaysan jiray Talyaani oo isagu ahaa Gumaysi toos ah oo aan waxba ka aqoon madax dhaqameed iyo wax kale toona,markaas maadaama xukuumaddii dhinaca Somalia u badatay xaruntii ama caasimadiina noqotay muqdisho hoggaankeedu waxay raacday dhabihii Talyaaniga ee ahaa khasab iyo qori caaradii in wax lagu xukumo.

XILLIGII KACAANKA

Markii talada dalkii Somalia uu la wareegay xukunkii Siyaad barre gabi ahaan waxa meesha ka baxay wax la yidhaa madax dhaqameed ama suldaanno,si la mid ah sidii xisbiyada iyo xorriyadda hadalkaba loo masaxay, markaas lama maqli jirin wax la yidhaahdo;-Suldaan,caaqil,isimmo,Ugaas,iwm waxayna ugu yeedhi jirtay keliya Samadoon iyo Nabad doon waxa dhici jirtay in xukkumadda ay isugu yeedhi jirtay markay u baahato  Samadoonada iyo Nabadoonada ka dibna xukumaddu iintay shir u qabato ayay u yeedhin jirtay awaamiirta la farayo oo mararka qaar hanjabaad iyo haddidaad u badnaa marka loo sheego waxa la farayo waxa lagu odhan jiray shirku wuu xidhanyahay,odayaashu iyagoo dhakafaarsan oo niyad jabsan ayay goobta ka hulleeli jireen,dabcan waxay la qabeen waayihii dalka ka taagnaa uun.

XILLIGII HALGANKA

Sanadkii 1989kii Waxa doorkii madax dhaqameddka dib u soo nooleeyay jabhadii SNM ka dib markii dagaalkii daba dheeraaday oo madaxdii SNM qaarkood uu khilaaf dhex maray ayay madaxdii jabhaddu isugu yeedheen odyaashii kuna shiriyeen meesha loo yaqaan Cadaroosh waxa odayaashaas ka mid ahaa Sheekh Ibraahim sh.madar, SH.axmed sh.nuux furreh,X/cabdi waraabe iyo Waraabe Cadde ilaahay ha u naxariisto dhamantoode waxayna qaatteen magaca Guurtida SNM,waxayna qaatteen kaalin aad u mug wayn.

Ujeedada ay ka lahaayeen madaxda SNM inay odayaasha isugu yeedhan waxay ahayd maadaama dagaalkii dabo dheeraaday in;-

odyaasha iyo madax dhaqameeku ay ka qayb galaan halganka sidii loo heli lahaa dhaqaale iyo taakulayn lagu dagaal galo

inay odayaashu talada dadka gacanta ku dhigaan oo ay noqdaan qaar la maqlo awaamiirtooda iyo talada ay soo jeediyaan

inay khilaafka ka saaraan madaxda SNM ee is khilaafta iyo inay ka shaqeyan sidii loo soo celin lahaa dhaqankii Burburay intii xukunka military dalka haystay

sidaas ayayna howshaasi ku fushay oo ay noqotay mid meel mar ah oo lagu guulaystay.

XILLIGAN  SOMALILAND

1991kii madax dhaqameedka Somaliland  hadday tahay guurti iyo hadday tahay odayaasha kaleba waxay qayb wayn ka qaatten dib u dhiskii,hub ka dhigistii,nabadayntii iyo isu keenidii beelaha Somaliland kuwii SNM taageeri jiray iyo kuwii aan taageeri jirin labadaba,shirkii Somaliland lagu soo dhisay ee Burco 1991kii iyo kii Booramme 1993kii.

Intaas wixii ka danbeeyay marka laga soo bilaabo xukuumaddihii Somaliland  madax dhaqamedka waxay siiyen kaalinta koowaad, waxayna noqdeen Cudud aan la loodin Karin lagana hor iman Karin,xatta waxay noqotay inaan qofka aqoonta leh waxba la waydiinin isagoo aan taageero ka haysan Odayaashiisa,Golihii guurtidu wuxu noqday golaha ugu awoodda badan dalka xagga siyaasadda odayaasha kale sida;- Salaadiinta, garaadada, issimada iyo cuqaashu waxay noqdeen kuwo la dhegeysto howl kastana iyaga loo daba fadhiisto.

Xilligii xukuudii Madaxweyne Cigaal 1994 waxa waddanka ka dhacay dagaallo iyo rabshado sokeeye oo beelaha qaarkood waxay ka hor yimaadeen xukunkii M.Cigaal, ka dib siyaasad ahaan waxa loo baahday Suldaano iyo madax dhaqameed ka aragti duwan dadka dagaalka wada oo iyagu noqda biriijka isku xidha beesha iyo xukuumadda,sidaas ayaa Suldaankii ugu horreeyay ee Xukuumaddu xagga danbe ka taageeraysay lagu Caleemo saaray waxanu ahaa AHN Suldaan Galaal,

Suldaan Galaal oo horkacaya aqoonyahan uu ka mid yahay Faysal Cali xuseen iyo wax garad kale waxay ku guulaysteen inay soo afjaraan Dagaalkii Sokeeye.

Suldaan Galaal magac wayn iyo sharaf ayuu ka helay bulshada Somaliland dhexdeeda,Intaas wixii ka danbeeyay waxa la jeclaaday in qof kastaa noqdo madax dhaqamed oo waxa laga raadiyay magac iyo dano dhaqaale,waxa aad u battay tirada Salaadiinta waxa loo bixiyay cahdigii Suldaan Bararka,waxana bilaabantay in reeruhu sii kala samaystaan Suldaammo,iyada oo dhinaca kale reeruhu u arkaan inay suldaan samaystaan inay tahay wax daruuri ah oo magaca reerka Sare u qaadaya.

Waxa markaasi soo kordhay madax dhaqameed hor leh sida; boqorro,ugaasyo,Garaaddo,Issimo aad iyo aad u tiro badan oo nin kastaa waxa uu ku fikiray inuu maalin uun madax dhaqameed noqdo si isaga wax loo waydiiyo ama uu kursi kale ku gaadho,xatta waxa dhacda in dadka qaarkood iyagu isu caleemo saran oo yidhaahdaan ii aqoonsada inaan ahay Suldaan iwm.

Intaas ka sokow madax dhaqameedka cuqaasha u badan ee Wasaaradda arrimaha guduhu Gunada siiso mooyee tiradaas faraha badan ee Madax dhaqameedka ah ee maalin kasta la caleemo saarayaa ma laha dhaqaale ama mushahar ee inta beeshu caleemo saaraan ayaa la yidhaa waa ku kaas,markaas waxa khasab ku noqotta inuu xaalad abuuro oo reero isku diro ninkii madax dhaqameedka laga dhigay ka dibna isla isaga uun loo diro oo la yidhaa soo qabooji,waxa ay sare u qaadeen qabyaaladii oo ay soo nooleeyeen.

Waxa kaloo jirta in madax dhaqamedku ay rabaan inay iyagu jaangooyaan siyaasadda oo waxa la arkaa iyagoo mar walba siyaasadda faraha kula jira,mararka qaarkood iyagaa arrin xallinteeda isu xilsaara,xattaa howlihii ay haya’daha Dowladdu lahaayeen sida Fulinta,Sharci dejinta iyo Garsoorka waxad mooddaa inay iyagu leeyihiin annagaa ka muhiimsan,waxanan odhan karaa murankaa siyaasiga ah iyagaa qaybta ugu wayn ka qaatta.

Sidaas darteed Waa in Siyaasad cad laga qaattaa,Gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa ku waajib ah in la baadho sharciyadda madax dhaqameed lagu noqonayo waxa uu yahay,haddii kale maalin dhow waxa iman doonta inay tiro beelaan oo ay noqdaan wax aan waxba laga qaban Karin,waxa ay soo kordhiyaanna tahay uun buuq iyo hadal.

Madax dhaqamedka naftooda waxam leenahay intooda wadada saxda iyo wanaaga haysaa halkaas ha ka sii wadaan inta kale ee xumaanta iyo isku dirka umadda ka shaqaysa waxan odhan lahayn waar ixtiraama umadda oo dib u xusuusta bah dilaaddii madax dhaqamedka haysatay xilligii Dowladdii kacaanka,iyo sharafta iyo karaamada aad leedihiin intay jireen xukuumadaha Somaliland.

 

Rashiid Odowaa    M.A diplomacy and IR

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213