Dalalka Yurub oo aan wali xalka ka gaadhin qaybsiga dadka qaxoontiga ah

Waddamada Booland, Jamhuuiriyadda Jeejka, Islofaakiya iyo Hungari ayaa ayaa diiday in Midowga Yurub uu u qaybiyo tirada qaxoontiga ay aqbalayaan.

Wali waxaan muuqan calaamad muujinaysa isku soo dhowaansho Midowga Yurub ka gaadhaan arrintan qaybinta qaxoontiga uu waddan walba qaadanayo, oo tobanaan kun oo qaxoonti ah ayaa jooga haatan soohdimaha Yurub.

Raysal wasaaraha Hungari Vikor Orban ayaa sheegay in xiisada ka taagan qaybinta ay masuul ka yihiin siyaasiyiinta Yurub, oo ay ku qaar ka ah ah siyaasiyiintaasi ay qaxoontiga ku dhiirigelinayaan in ay u socdaalaan dalalka Galbeedka Yurub iyagoo og in dalka ay Hungari uu soo saaray sharci joojinaya safarada qaxoontiga.

Hoggaamiyayaasha dalalka Booland, Jamhuuiriyadda Jeejka, Islofaakiya iyo Hungari ayaa ku tilmaamay hannaanka qaybsiga qaxoontiga ay horseedi doonto in dad badani badaha isku soo haligaan oo ku dhintaan, dhibaataduna ka sii badato intii hore ee xalka loo raadinayey.

Hoggaamiyayaashan ayaa xalka yaraynta qaxoontiga u arka in xooga la saaro ammaanka xuduudaha Yurub iyo ilaalinta nidaamka isu socodka oo ay ka midaysan yihiin.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda fikirka afartan hoggaamiye ayaa soo jeediyey in la sameeyo tareeno khaas ah oo qaxoontiga Suuriya ka soo gura Hungari oo geeya Jarmalka.

Qorshahan ayaa shuruud looga dhigay in xukuumadda Jarmalku ay siiso dadka qaxoontiga ah ee dalkeeda galay fiisaha dal ku galka.

bandhige@gmail.com