Dawladda Ustari oo xadkeeda u furtay dadka muhaajiriinta ah

Heshiis ay wada galeen Jarmalka iyo Ustari ayaa lagu heshiiyey in ay Ustariya xadkeeda u furto dadka muhaajiriinta ah ee ka imanaya Hungari si ay ugu gudbaan waddanka Jarmalka.

Hoggaamiyaha Ustariya Werner Faymann ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku fasaxay dadka muhaajiriinta ah ee dhex maraya waddankiisa.

Ka dib markii uu soo baxay go’aankan ayaa boqolaal muhaajiriinta oo ku sugnaa Hungari ay bilaabeen in ay u gudbaan dhinaca Ustari oo u sii jeedaan waddanka Jarmalka.

Dhinaca kale muhaajiriin ku sugnaa xarumaha tareenada Budapest iyo qaar lugaynayey ayaa waxay dawlada Hungari u dirtay basas u qaada dhinaca Ustari.

Ururka Laanqeyrta Cas ee Ustari ayaa sheegay in ay filayaa 800 ilaa 1,500 oo qaxoonti ah ay xadka ka talaabeen saacadaha soo socda.

bandhige@gmail.com