Dallada SONSAF oo war-saxaafadeed ka soo saartay diwaan-gelinta codbixiyayaasha

Dallada Jileyaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo la socotay habsami socodka diwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka soo socda ee sannadka 2017-ka ayaa waxay soo saartay war-saxaafadeed ay kaga waramayso sida diwaan-gelinta codbixiyuhu u socoto, waxaanu u qornaa war-saxaafadeedkaas oo dhamaystirani sida tan:

War-saxaafadeed: Diiwaan-Galinta Cod-bixiyayaasha:

Dallada Jileyaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF iyadoo kaashanaysa Madasha Ururada Bulshada ee Arrimaha Doorashooyinka (SCISEF) isla markaana taageeraysa sidii loo qaban lahaa diiwaangalin codbixiye oo hufan una gogolxaadha sidii dalka ay ugu dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi, waxay goobjoogeyaal maxaliya u dirtay in ka badan 90 goobood oo mid ah 163 ka goobood ee gobolka Togdheer diiwaan-galinta codbixiyuhu sida rasmiga ah uga bilaabantay January 16-kii 2016.

Waxay goobjoogayaasha maxaliga ahi xaqiijiyeen in qalabka Komiishanku dhigay goobaha diiwaan gelintu yahay qalab awoodiisu aad u sarayso, kana hortegi kara cidkasta oo isku deyda in ay laba-jeer is-diiwaan-geliyaan si aan sharciga waafaq sanayn. Haddaba marka loo eego 2008-2009 diiwaan gelintu qaabkay u dhacday, Goobjoogayaashu waxay xaqiijiyeen in la sameeyey horumar weyn sanadkan 2016, kaas oo wax weyn ka taray habsami u socodka diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.

Goobjoogeyaasha maxaliga ahi war-bixintii hordhaca ahayd ee ay ka soo gudbiyeen gobolka Togdheer waxay ahayd runtii mid yididiilo ku abuurtay bulshada wallow ay cilado farsamo oo xaga isku xidhka qalabku ay dhaceen maalintii koowaad kuwaas oo markiiba la xaliyay. Habka diiwaan-galintu 7-dii Cisho ee ugu horeeyay wuxuu u socday si nabad-gelyo ah, waxa mudan in la tilmaamo in dhallinyaradii maamulayey goobaha Diiwaan-galintu ay muujiyeen dedaal dheeraad ah, kartina u yeesheen xalinta wax kasta oo ka hor yimaada oo aan ku koobnayn waxii farsamo ah oo kaliya.

 Sidaa awgeed SONSAF waxay usoo jeedinaysaa:-

  • Komishanka Doorashooyinka Qaranku in uu waayo aragnimadii laga bartay gobolka Togdheer lagu dabaqo gobollada hadhay iyo in la shaaciyo dadka isku dayay in ay marlabaad is-diiwaangaliyan ee la qabtay si looga hortago in dad kale isku dayaan.
  • Xisbiyada Qaranku in ay si mug leh uga qaybqaataan hawsha diiwaan-galinta codbixinta isla markaana xoojiyaan goobjoogeyaasha u jooga goobaha diiwaan gelinta.
  • Wasaarada Arrimaha Gudduhu in ay xoojiyaan wakiilada ka jooga goobaha diiwaan-galinta, qayb laxaadlena ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa dadka is diiwaan-galinaya in ay muwaadiniin yihiin, isla markaana u soo diraan goobaha dad waawayn sida cuqaasha, guddiyada xaafadaha iyo guddoomiyeyaasha tuulooyinka.

Ugu dambayn SONSAF iyadoo metalaysa Ururada iyo Jilayaasha aan Dawliga ahayn waxay u mahadnaqaysaa sidii wanaagsanayd ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku ula shaqeeyeen goobjoogeyaasha maxaliga ah isla markaana aqoonsiga buuxa u siiyeen si ay hawshooda ugu gutaan si madaxbanaan.

Sidoo kale waxaan mahadnaq u soo jeedinaynaa Xisbiyada qaranka, Xukuumadda iyo bulshada caalamka oo gacan ka gaystay diiwangelinta codbixiyaha, doorashooyinka iyo taageerida sidii goobjoogeyaasha maxaliga ahi ay u gudan lahaayeen hawshooda.

Mustafe Sacad Dhimbiil

Guddoomiyaha Dallada SONSAF