Danjiraha Ingiriiska Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Ayaa Walaac Ka Muujiyay Jiitanka Colaadda Tukaraq

Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya dalka Soomaaliya Mr David Concar, ayaa  walaac ka muujiyey xaalada Tukaraq waxaanu sheegay  inay masiibo ku tahay Colaadaasi Somaliland iyo Puntland labadaba,isagoo ku baaqay inay wada hadal nabadeed furaan.

Danjiraha Ingiriiska ee Somaliland iyo Somalia oo War-baahinta Dowlada Soomaaliya waraysi siinayay ayaa sheegay in dawladda UK ka walaacsan tahay xaalada Tukaraq oo uu sheegay inay xagal daacinayso dedaalada hurumarineed ee UK wado. Isagoo sheegay in xiisada Tukaraq ay soo jiitamaysa muddo dheer loona baahanyahay in wada haddal lagu dhammeeyo xaajada

“UK waa taageeraha weyn ee nabada Soomaaliya, waa taageeeraha weyn ee nabada iyo xasiloonida,  uma aragno wax dan  ah inay ugu jirto  dadka caadiga ah ee Soomaalida colaad iyo isku dhac marka aan aragno xaalada sida Tukaraq oo kale,waan ka walaac-naa sababtoo ah waxaan danaynaa dadka Soomaaliyeed bad qabkooda, waxaanu ku dedaalaynaa horumarinta Soomaalida, balse xaaladaha sida Tukaraq oo kale, waxay xagal daacinayaan dedaaladaasi.”

Dhanka kale Danjire David ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Maamulka Puntland inay iskugu yimadaan miiska wada hadalka, waxaanu sheegay in aan xabadi xal ahayn “Waxaanu ku boorinay dhinacyada ay u dhaxayso colaada Tukaraq inay miiska wada haddalka isugu yimaadaan si looga wada hadlo loona gaadho heshiis, iyadoo wada xaajood laga yeelan karayo laguma xalin karo Colaad, waxa lagu xalin karaa wada haddal iyo in la isku yimaado .”Ayuu yidhi

Geesta Kelana Safiirka UK u fadhiya Muqdisho, ayaa sheegay in Dagaalka Tukaraq uu masiibo weyn ku yahay Somaliland iyo Puntland,“ Xaalada Tukaraq waxay soo jiitamaysay wakhti dheer mana aha wax sidaasi u weyn, waxay masiibo ku tahay Somaliland waxay masiibo ku tahay Puntland .”

Xigasho: Wargeyska Waaberi