Khilaaf ka dhex taagan Golaha Deegaanka Boorama

Khilaaf culus ayaa ka dhex aloosan Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama, kaasi  ragaadiyey hawlihii shaqo ee golaha deegaanka magaalada Boorma , isla markaana laba garab u kala jabiyey Xildhibaanada golaha deegaanka garab la safan maayarka iyo garab kasoo horjeeda,

Xildhibaanada kasoo horjeeda Maayarka ayaa todobaadkan horaantiis xarunta Dowlada Hoose  ee Boorama ku jaray baabuur, kuwaas oo diidan Maayarku inuu galo xarunta Dowlada Hoose iyo xuluufadiisa ay iska soo horjeedaan, balse ciidannka Booliska ayaa arrinta soo farageliyey waxaanay ka qaadeen baabuurtii ay afaafka Dowlada hoose laga galo lagu xidhay.

Mudanayaasha ayaa ka soo horjeeda Maayar ayaa sheegay inay ka dalbadeen inuu fadhi qabto , kaasi oo ay ku doonayaan inay xilka kaga qaadaan Maayarka, balse uu diidan yahay inuu kal fadhi qabto. Xildhibaan ibraahin Axmed liibaan oo ah Xildhibaanad sida weyn uga soo horjeeda Maayarka ayaa ka hadlay xiisadaasi waxaanu yidhi “ waa kaa iminka wadadiisa la isku haysto oo muran badani ka taagan yahay, wasaarada arrimaha guduhuna ay hoos u eegi ladahay, waa kaa Xildhibaanada iminka ay ciidan u joogaa inay guraan taasna wanagaas ku mur mayna ,waxaanu leenanay waar waxaad ku qaadaysaa xildhibaanada tusa kamana hayno, taasin waanu diidanahay.”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin.

Geesta kalena Duqa Magaalada Boorama oo war-baahintu wax ka weydiisa arrinka khilaafkaas ka dhex taagan isaga iyo xildhibaanada ayaa ka gaabsaday waxaanu ku dooday in aanu jirin khilaaf u dhaxeeya isaga iyo xildhibaanada golaha deegaanka ee Boorama “Runtii Xildhibaanadu waa kuwani ila jooga wax dhib ah oo halkaas ka jirta Xildhibaanada saxaafaduun ayaaa buun-buunisa shaqada ayaa is jiid-jiidadka leh wax kale oo halkaas yaalaa ma jirto.” Ayuu yidhi Maayar Maydhane .

Xigasho: Wargeyska Waaberi