Shakespear ma noqon karo Hadraawi (WQ: Mukhtaar Gurguurte)

Idaacadda BBC da Laanteedda Ku Hadasha Afka Ingiriisiga Ayaa Baahisay Barnaamij Ay Soo Diyaarisay Haweenaydda Tafatiraha Ka ah Arrimaha Afrika Mary Harber, Barnaamijkaas oo Halku Dhig Looga Dhigay: Hadraawi: Shakespear Ka Soomaalida.( Hadrawi: The Somali Shakespear) Barnaamijkaas oo La Baahiyaya Daba Yaaqadii Sanadkii Tagay.

Aad Ayaan Ula Yaabay In La’isku Soo Sooco Hadraawi iyo Shakespear, Taasi Macnaheedu Ma Aha In Labadda Abwaan Uu Middi Midka Kale Ka Waynyahay.

Shiki Kuma Jiro In Shakespear Uu ka Magacdheeryahay Hadraawi, Hadaanu Ahaynba Ka Ugu Magacdheer Dunidda.

Mary Harber Aad Ayay u Faaqidday Taariikhda Iyo Suugaanta Hadraawi Si Wanaagsanna Way U Soo Bandhigtay, Laakiin Halka Arrintu Daarantahay Ayaa Ah In Isku Soo Sooca Labada Nin Aanu Ahayn Mid Munaasib Ah.

Waxa Laga Yaabaa In Mary Harber Ay Aad Ula Dhacday Suugaanta Hadraawi, Ka Dibna Ay Go’aansatay In Ay Hadraawi U Tilmaanto Sida Ugu Haboon. Fikir Dheer Kadibna Ay Is Tidhi Cidda Ugu Haboon Ee Lagu Tilmaami Karro Waa Shakespear. Iyadda Oo Iska Ilaalinaysa Inay Ka Gaabiso Tilmaanta Uu u Qalmo Hadraawi,Iskana Fogaynaysa In Lagu Tuhmo Gaabis Iyo Bakhaylnimo. Waa Haddii Ay Tilmaantaasi Ka Ahayd Niyad Wanaag Ka Fog Siyaabaha Ay Wax U Tilmaamaan Qolooyinka Baadha Taariikhaha Bulsho Ee Reer Barriga?! (Orientalism).

Ujeedaddu Maaha In Aan Ku Samayno Is Barbardhig Labada Abwaan Amaba Aan U Kala Hiilino.

Shakespear Waa Abwaanka Ugu Magaca Dheer Dunidda, Waxuuna Nasiib U Helay In Riwaayadihiisii Loo Turjumo Afaf Badan Oo Dunidda Lagaga Hadlo. Sabobo Badan Oo Jirra Awgood ( Daruuri Maaha Faah Faahinta Asbaabahaasi).

Shakespear Wuxuu Noolaa Xilli Is Baddallo Waawayni Ay Ka Socdeen Dalka Ingiriiska, Waaqicii Xilgaas Jirayna Wuu Ka Qaybqaatay Kaalintii Uu Ku Lahaa Ka Abwaan Ahaan.

Afkaarta Uu Xambaarsanyahay Abwaanku Iyo Soo Bandhigida Aragtiyaha Uu Ka Qabo Dhacdooyinka Xiligaas Taagan Waxay Lagama Maar Maan U Tahay In La’ogaan Karro Shakhsiyadda Dhabta Ah Ee Abwaanka, Iyo Sida Uu Ula Falgalo Bulshadda Uu La Noolyahay. Taasina Waxay Xaqiiiqoobi Kartaa Oo Kaliya Marka La’ogaaddo Inta Iyo Sidda Uu Diyaar Ka Ugu Yahay In Uu U Hurro Difaaca,Iyo Hanuuninta Bulshaddiisa Isagga  Oo Ka Duulaayaa Mabaadi’da Uu Aaminsanyahay Ooy Ugu Horeyso Difaaca Xorriydda, Cadaaladda Iyo Sinaanta.

Shakespear Waa Uu Ka Nasiib Badnaa Hadraawi, Waayo Ma Uusan Marin Imtixaanka Ah In Uu Kala Doorto Mabaadi’Da Uu Aaminsanyahay Iyo Naftiisa. Taasi Oo Dibadda Soo Dhigi Kari Lahayd Shakhsiyadda Dhabta Ah Ee Shakespear. Taasina Waxaa Sobob U Ahayd Xorriyaddii Ka Jirtay Xiligaas Dalka Ingiriiska Oo Ahayd Midd U Ogolaanaysay In Uu Arragtiyihiisa Si Xor Ah U Soo Bandhigi karro.

Hadraawi Fursad Uma Helin In Uu Si Xor Ah U Soo Bandhigo Aragtiyihiisii Nololeed, Wuxuuna Waajahay Imtixaan Adagg Kaas Oo Ahaa In Uu Kala Doorto Guulwadaynta Tawraddii Markaas Jirtay Iyo Naftiisa, Ama Uu Aamuso Afkiisana Xidho Si Uu U Amaan Hello Ugu Yaraan.

Duruufihii Ka Jiray Dalka Xiligaas Ma Aysan Saamaxaynin In Qofku Si xor Ah U Soo Bandhigo Aragtiyihiisa, Intaas Waxa Dheerayd Jiritaan La’aanta Aaladdaha Warbaahinta Intii Jirtayna Ay Tawraddii Xiligaasi Gacanta Ku Haysay.

Markii Ay U Cuntami Wayday Suugaantii Hadraawi Taliskii Xiligaas Jirray Waxaa Si Cad Loo Kala Dooransiiyay Inuu La Shaqeeyo Kacaanka Iyo In Uu Afkiisa Haysto, Laakiin Kama Uusan Tanaasulin Aragtiyihiisii Halkii Ayaanu Ka Sii Watay.

Madhanaanshaha Ay Ka Madhnayd Saaxaadda Soomaalidu Aqoonyanka Iyo Haldoorka La Midka Ahi Waxay Keentay In Cidda Kaliya Ee Hadli Karaysay Waxa Jirrana Sheegi Karaysay Ay Ahaayeen Abwaanadda, Iyaga Oo Adeegsanaaya Suugaanta.

Taasina Waxay Culays Saa’id Ah Ay Saartay Abwaanka Soomaaliyeed.

Hadraawi Diidmaddii Uu Diiday In Uu Ka Tanaasulo Aragtiyihisii Waxay Dhaxalsiisay In Jeelka La Dhigo, Muddo Shan Sanno Ah Ka Dib Marki La Soo Daayayna Uu Ku Gacan Saydhay In Uu Wax Tanaasul Ah Bixiyo Haba Yaraatee.

Taasina  Waxay Badka Soo Dhigtay Sida Uu Diyaarka Ugu Ahaa In Uu Difaaco Mabaadi’da Uu Aaminsanaa Kaalintii Uu Ku Lahaa Bulshada Dhaxdeedana Halkii Ka Sii Waddo Isaga Oo Ka Baxsaday Dalka, Qorigana Qoorta Sudhay, Isaga Oo Xaaladda Nuucaas Ah Ku Jira Waxa Uu Hadraawi Tiriyay Mid Ka Midda Maansooyiinkiisii Ugu Muhiimsanaa Taas Oo Ka Hadlaysay Nolosha dhinacyadeeda kala duwan iyo ilbaxnimdda labadaba maansadaas oo magaceedu ahaa sirta nolosha.

Shakespear Waxa Uu Ahaa Abwaan Wayn, Laakiin Bulshadiisu Ugama Baahnayn Intaas In Ka Badan,Waayo Dadka Ingiriisku Waxay Haysteen Aqoonyahan, Mufakir, Faylasuuf, Iyo Haldoorka Bulshadda Oo Dhan. Halka Bulshadda Soomaaliddu Intaasba Ay Ka Aradnayd Duruufihii Jiray Xiligaas Awgeed Iyo Kuwo Taariikheedba, cidda culayska dhabarka U Ridatay  Bulshaddana U Ahayad Haldoorka Kaliya Ee Xiligaas Wixii Jirray Tilmaamaayay Waxay Ahaayeen Abwaanadda, Oo Iyagu Matalaayay Haldorkii Bulshadda Hadday Tahay Aqoonyahay, Mufakir, Faylasuuf, ……IWM.

Shakespear Ma Uusan Tijaabinin Xanuunka Ay Leedahay In Lagu Xidho Xorriyadana Lagaa Qaado, Laguguna Qasbo Inaad Dalka Ka Baxsato, Aragtiyaha Aad Aaminsantahay Dartood.Laakiin Hadraawi Imtixaankaas Wuu Maray Sidda Ugu Fiicanna Waa Uga Baasay.

Taasi Macnaheeddu Ma Aha In Ay Hoos U Dhiggi Karto Qiimaha Shakespear Balse Waxa Hubaal Ah In Mary Harber Ayna Siinin Arrintaasi Fiiraddii Ay U Baahnayd, Si Ay U Ogaato Miisaanka Ay Saartay Hadraawi In Uusan Ahayn Mid Wax U Kordhinaaya Isagga Balse Uu Yahay Mid Saaraayaa Shakespear Culays Aanu Qaaddi Karrin.

Mukhtaar gurguurte

mukhtaarmxd@gmail.com