Sunday, September 8, 2024
Home Warar Wasaaradda Sh...

Wasaaradda Shaqo-gelintu waxay daahfurtay hannaanka samaynta qorshaha istiraatijiga ah ee saddexda sanno ee soo socda

Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa maanta daahfurtay qorshaha Wasaaradda Shaqo-Gelinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland, qorshahas oo lagu dhaqmi doono 2018/2021 waafaqsana qorshaha qaranka ee NDP2.

Wasiirka ayaa sheegtay in dhammaanba hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ay wasaaraddu u qorshaynayso waxay qabanayan. Wasiir Hinda Gaani waxay u mahadnaqday dhammaanba Wasaaradaha Qaranka siiba wasaaradaha ay sida gaarka ah u wada shaqeeyaan.

Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase ayaa dhankiisa aad ugu dheeraday qorshahan Wasaaradda kana marag-kacay wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradaha qaranku una mahadceliyay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba dorka ay ka qaaten waxqabadyada Wasaaradda.

Guud ahaan kulanku wuxu ahaa mid si weyn loo agaasimay. Waxa ka qaybgalay hay’adaha caalamiga ah, ururrada bulshada rayidka ah iyo madax kale oo ay ka mid yihiin Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda qorshaynta Qaranka Agaasimaha Guud Ee Wasarada cadaaladda Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafmadka madaxda haayadaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.